3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2013
Afar Caruur ah oo ku Geeriyoodey Dab Qabsaday Mid kamida Xeryaha ay ku nool yihiin Barakacayaasha ee ku yaalla Garoowe

Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Dab khasaare geystey ayaa abbaare 10:00-kii barqonimo ee maanta ka kacay mid kamid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Kaamka uu dabku qabsaday oo lagu magacaabo Kaam Ajuuraan, waxaa ku dhaqan boqollaal qoys oo danyar ah, kuwaas oo intooda badani ay kasoo barakaceen gobollada koonfureed ee dalka.

Dadbka oo ahaa mid xooggan ayaa sababay geerida 4-ilmood oo isku qoys ah, iyadoo sidoo kale ay ku bas beeleen in ka badan 200 oo guri oo cooshado ka sameysan (buushash).

Caruurta walaalaha ah ee geeriyoodey ayaa xilligii uu dabku kacayey ku xirnaa gurigooda, waxaana sidoo kale xilligaas aan goobta joogin labadooda waalid oo suuqa shaqo ugu maqnaa.

Jawaari Siciid oo ah aabaha dhalay caruurta dabku laayey oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah, ayaa sheegay in arintan dhacday ay tahay mid horay u qorneyd oo dulqaad u baahan.

"Anigu maba joogin guriga, shaqadaan jirey, islaantana iskool ayey jirtey, ilmuhuna waxay kala ahaayeen hal wiil iyo saddex gabdhood...dareenkeygu waa caadi, wax qoran ayey ahayd" Jawaari Siciid ayaa yiri.

Dhinaca kale, dab kaas lamid ah ayaa maanta qabsaday xero ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku taal bariga magaalada Boosaaso, dabkan oo gubey in ka badan 80 guri, ma jirto wax khasaare nafeed ah oo uu geystey.

Xilliga xagaaga oo ay inta badan dalka ka dhacaan dabeylaha xagaaaga, waxaa kor u kacda tirada dababka qabsada xeryaha barakacayaasha oo iyagu ah kuwo u nugul dabka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
6/11/2013 2:25 PM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka mid ah ragga isku haysta xilka madaxweyne ee maamulka Jubbaland ee bishii hore looga dhawaaqay Kismaayo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

6/11/2013 1:50 PM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Maxaabiis iyo gaadiid muddo dheer ay kala haysteen maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa makhribnimadii shalay oo Isniin ahayd lagula kala wareegay duleedka degmada Xuddun ee gobolka Sool.

6/11/2013 8:50 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Maroodi jeex, ayaa maanta soo saartay amar ay ku xayirayso wargeyska madaxa banaan ee Hubaal oo Hargeysa ka soo baxa.

6/11/2013 8:37 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof oo dhallinyaro ah ayay booliiska Soomaaliya kuwa AMISOM waxay maanta ka sameeyeen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Suuqa xoolaha.

6/11/2013 7:54 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Madaxda dowladda Soonaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqataan sidii Soonmaaliya looga cirib-tiri lahaa cudurka halista ah ee dabeysha, kaddib markii ay madaxdu ka hadleen kulan ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha bulshada oo ka dhacday Muqdisho.

6/11/2013 7:05 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay maanta in xiisadaha ka taagan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ay ku wajibi doonaan qaab wadahadal iyo nabad ah.

6/11/2013 4:01 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Tababar soconaya muddo afar maamood ah ayaa wuxuu uga furmay dugsiga tababarrada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneral Kaahiye 14-sarkaal oo ah taliyayaasha booliiska Soomaaliyeed ee gobollada dalka.