4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2013
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo soo saartay Maanta Amar xayiraad ay ku saartay Wargeyska Madaxa-banaan ee HUBAAL

Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Maroodi jeex, ayaa maanta soo saartay amar ay ku xayirayso wargeyska madaxa banaan ee Hubaal oo Hargeysa ka soo baxa.

“Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ee Hargeysa, iyadoo tixraacaysa qoraalka ujeedadiisu tahay  codsi xayiraad wargeyska Hubaal, kaas oo ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland, maxkamaddu waxay ku amraysaa inaad xayirtaan guud ahaan wargeyska Hubaal oo dalka ka soo bixi Karin, isla markaana aan laga soo daabici  Karin madbacadaha ku yaalla illaa uu ka soo baxayo maxkamadda gobolka Maroodi jeex amar dambe, iyadoo cidii lagu arko iyadoo daabcaysa la hor keeni karo maxkamadda awoodda u leh”ayaa lagu yidhi qoraal ay baahisay Idaacadda Dawladda ee Radio Hargeysa oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi jeex ee Hargeysa.

Haseyeeshee maamulka wargeyska Hubaal oo aan wax ka waydiiyey sababta loo xayiray wargeyska , ayaa sheegay in aanay ilaa hadda qoraalkaasi soo gaadhin, isla markaana aanay garanayn sababta keentay amarkaasi lagu xayiray wargeyska.

Wargeyska Hubaal ayaa hore waxa goor habeenimo ah soo weeraray laba qof oo budhcad ah oo isku dayey inay khaarajiyaan gudoomiyaha Wargeyska, haseyeeshee nasiib wanaag waxay shaqaalaha iyo maamulka wargeysku fashiliyeen isku daygaasi dil, waxaanay qabteen mid ka mid ah ragii hubaysnaa oo illaa hadda xabsiga ku jira, inkastoo aan wali la soo qaban ninkii labaad ee ninkaasi la qabtay la socday.

Sidoo kale, ururka saxaafadda Somaliland aya dhawr jeer oo hore ugu baaqay xukuumadda inay sharciga la hor keeno dadkii ka dambeeyey falkii fashilmay ee lagu beegsaday gudoomiyaha wargeyska Hubaal, haseyeeshee ilaa hadda  ciidamada booliska iyo waaxda garsoorkuba wax natiijo ah may soo saarin.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Somaliland ayaa  aad ula yaabay amarka ka soo baxay maxkamadda gobolka Maroodi jeex, maadaama oo aanay hore u dhicin inay maxkamaddi xayirto xarun warbaahineed oo madax banaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland