4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2013
Saraakiisha Ciidamada Booliiska Gobollada Dalka oo Tabbabar Socon Doona Afar Maalmood looga furay Magaalada Muqdisho

Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Tababar soconaya muddo afar maamood ah ayaa wuxuu uga furmay dugsiga tababarrada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneral Kaahiye 14-sarkaal oo ah taliyayaasha booliiska Soomaaliyeed ee gobollada dalka.

Wasiirka arrrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tababarkan furay shalay kasoo ay kasoo qaybgaleen madax ka socota wasaaradda arrimaha gudaha sida, wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Mahdi Maxamud Cali, wasiir ku xigeenka, Xassan Maxamed Ibrahim, taliayaha booliska Soomaaliyeed, Jen. C/xakiin Daahir Saciid iyo saraakiila ka socotay ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Muhiimadda shirkan ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii sare loogu falanqayn fulinta qorshe hawleedyada booliska Soomaaliyeed ee 2013 illaa 2014, gaar ahaana sidii ciidanka booliska Soomaliyeed loosoo dhisi lahaa heer degmo, heer gobol illaa heer Qaran. Qorshe hawleedkani booliska wuxuu diiradda saarayaa dar-dargelinta sugidda amniga iyo dib-u-dhiska ciidanka booliska Soomaliyeed.

Intsa tababarku soconayo waxay taliyayaasha gobolladu falanqeyn doonaan sida ugu fudud ee baahida booliiska gobollada wax looga qaban karo iyo sidii loosoo dhisi lahaa xag tababarro iyo xag dhisid iyo taageeraba.

Furitaankii siminaarka ayaa waxaa ka hadlay taliyaha booliska Soomaliyeed, Jen. Saacid oo ka warramay ahmiyadda siminaarkani u leeyahay guud ahaan ciidanka booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howgalla gobollada dalka oo dhan.

Taliyuhu wuxuu ka hadlay qorshaha booliiska Soomaliyeed ee afarta sano ee soo socota iyo halka uu hiigsanayo isagoo sheegay inuu rajeynayo muddada uu xilka hayo inuu doonayo in ciidanka booliiska uu gaarsiiyo meel sare ayna noqdaan kuwo bulshadooda u adeega.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Mahdi Maxamud Cali oo ugu dambeyn goobta ka hadlay ayaa isaguna sheegay in qorshaha cusub ee booliska iyo halka aay hiigsanayaan ay tahay sidii ay u sugi lahaaeen amniga shacabka Soomaaliyeed oo dhan, isagoo si rasmi ah u furay tababarka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya