4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Dowladda Soomaaliya oo Sagootisay Danjirihii Hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia Augustine Mahiga


Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaflad sagootin ah ugu sameysay madaxtooyada Soomaaliya, danjirihii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya iyo madaxii xafiiska UNPOS, dajire Augustine Mahiga oo howshan hayay muddo saddex sano ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu dajire Mahiga lasoo shaqeeyay dowladda Soomaaliya xilliyo adag, isagoo xusay inaysan illoobi doonin howlihii uu Soomaaliya ka qabtay intii UNPOS madaxda u ahaa.

"Maanta saaxiib ayaan sagootineynaa, saaxiib nala joogay waqtiyo adag iyo kuwo kaleba. Saaxiib aan ka daalin caawinaadda Soomaaliya oo suuro-geliyey in Soomaaliya ay afar sano isbedel muuqda ka sameysey amniga iyo siyaaasadda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id qabtay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shirkiisa jaraa’id ku yiri: "Danjire Mahiga waa saaxiibkeyga iyo sidoo kale saaxiibka Soomaalida oo dhan. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan is naqaanno oo marka buugaagta taariikhda la qoro in doorka danjire Mahiga iyo kaalmadiisa Soomaaliya aad loogu riyaaqi doono oo loo sacab tumi doono.”

Madaxweynaha ayaa haddiyado isugu jira isgu jiro shahaado sharaf, dharka dhaqan Soomaaliyeed iyo weliba baat iyo mindi guddoonsiiyay, dajiraha la sagootiyay maanta.

"Mahiga waxuu ahaa qoraagii Road-map-ka. Inkastoo ay jireen shakiyo ahaa in si nabad ah lagu dhameystirayo Road-map-ka, haddana waxuu Roadmap-kan ahaa mid isu keenay Soomaali oo dhan oo u horseeday dib u heshiisiin keentay in la helo dowlad rasmi ah,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri: "Khibradiisa, waayo aragnimadiisa, degenaashihiisa, dulqaadkiisa iyo dabeecadiisa wanaagsan iyo xushmaddiisa aad baa loo tabi doonaa. Waxuu aaminsanaa Soomaaliya goor ay dad badan diidanaayeen. Waxuu shir guddoomiyey shirar badan isagoo ogaa inay shirarkaas ahaayeen kuwo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya. Diiraddiisu waxay marwalba u saarneyd shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku guuleystay in si nabad ah dowlad rasmi ah loo helo oo dad badan ay aaminsanaayeen inaysan dhaceynin.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu yiri: "Danjire Mahiga wuxuu Soomaaliya gaarsiiyay waddadii soo kabashada, waxaana u ballan-qaadeynaa inaan sii wadeyno shaqadii uu billaabay inagoo siduu aaminsanaa rumeysan. Magaca dalkan wanaagsan ayaa ugu mahadcelinayaa Mahiga.”

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya