4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Booliis ah loogu Talo-galay ka Hortagga Qaraxyada oo Magaalada Muqdisho dhoolla-tus ka sameeyay (SAWIRRO)


Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo loogu talo-galay ka hortagga waxyaabaha qarxa iyo badbaadinta dadka wax ku noqda qaraxyada ayaa maanta dhoolla-tus kusoo bandhigtay magaalda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Dhoolla-tuskan ayay ciidamadu ku sameeyeen qarax iyadoo ay goobta soo gaareen gaadiid ay ciidamadan leeyihiin oo damiyay dabkii, waxaana sidoo kale soo gaaray goobta ciidammo kale oo loogu talogalay inay gurmad caafimaad u fudiyaan dadka qaraxyada wax ku noqda.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa sheegay in ciidamadan ay tababarro ku qaateen gudaha dalka iyo dibaddiisa, looguna talogalay inay ka hortagaan qaraxyada ay Muqdisho ka geysato Al-shabaab ayna u gurmadaan dadka waxyeelladu kasoo gaarto qaraxyada.

“Ciidamadan tiradoodu waa 888 askari oo isugu jira rag iyo dumar, waxaana la baray gurmadka deg-degga ah ee loo fidiyo dadka waxyeelladu gaarto,” ayuu yiri Jen. Saacid oo intaas ku daray inuu u dhan yahay qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen.

Gaadiidka ay ciidamadan ku howlgalayaan ayaa waxaa ku deeqday Qaramada Midoobay, iyadoo goobta ay ciidamadan dhoolla-tuska ku sameynayeen ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan oo daawanayay dhoolla-tuska.

Waa markii ugu horreysay oo ciidammo booliis ah oo noocan oo kale ah ay dhoolla-tus ka sameeyaan Muqdisho, iyadoo saraakiisha booliiska ay kula dardaarmeen ciidamadan inay ka shaqeeyaan badbaadinta shacabkooda.

Ugu dambeyn, taliyaha booliiska ayaa sheegay in ciidamadan ay qayb weyn ka qaadan doonaan sugidda ammaanka Muqdisho, ayna ku talo-jiraan inay kuwo kale soo tababaraan.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya