3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Kulan looga Hadlay sidii Shaqo loogu Abuuri lahaa Dhallinyarada Somaliland oo lagu qabtay Magaalada Boorame

Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Kulan socday hal maalin oo ay soo qaban-qaabiyeen wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada iyo qorshaynta qaranka ee Somaliland oo looga hadlayay sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomalialnd ayaa lagu qabtay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen 45-qof oo ka kala socday ganacsatada, bahda jaamacadaha, golaha deegaanka boorama iyo waxgarad kale ayaa lagu qabtay xafiiska wasaaradda qorsheynta ee gobolka Awdal.

Ugu horreyntii waxa halkaas ka hadlay isku-duwaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee gobolka Awdal, Farduusa Sheekh Saciid iyadoo sheegtay in wasaaradda shaqada iyo arrimha bulshadu ay dareensan tahay dhibaatada ay shaqo la’aantu haysata dhallinyarada Somaliland isla markaana ay hormuud ka noqdeen hindisayaasha lagu daahfurayo mihnado shaqo-abuur ah oo u qabsoonta dhilinta si ay uga joogsadaan tahriibka iyo niyadjabka maanta haysata.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay isku-duwaha wasaaradda qorshaynta ee gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Abtidoon isagoo sheegay in kulannadani ay qayb ka yihiin kuwo la xiriira qorshaha fog ee xukuumaddu ay ku doonayso sidii tirade loogu dari lahaa in dhalliyaradu u baahan yihiin in shaqooyin loo abuuro, isla markaana loo xoojin lahaa dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto inay shaqo abuur samayso.

Guddoomiyaha degmada Boorame, Saleebaan Xasan Xaddi oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa tilmaamay inuu dareensan yahay dhibaatada haysata dhalinta ee ku sababatay inay tahriibto, wuxuuna dhalinta maanta fadhiday kulankan ka dalbaday inay ogsoonaadaan in gobolka Awdal uu yahay mid leh khayraad badan oo u baahan in laga faa’iidaysto, balse aan laga faa’iidaysan.

“Waxaa loo baahan yahay inaad hoosta ka xariiqdaan caqabadaha hortaagan inaan ka faa’iidaysano khayraadkeenna, kuna dartaan talooyin ku aadan sidii looga bixi lahaa shaqo la’aanta, intaasoo kaliya ayaa inaga xigta inaan isku biirinno fikiro ku aaddan sidii aan shaqo abuur u samayn lahayn,” ayuu yiri mudane Xaddi.

Barsaab ku xigeenka gobolka Awdal, Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna hadal ka jeediyay kulanka ayaa canaan dusha kaga tuuray hay’adaha caalamiga ah, isagoo yiri: “Waxaa dhici jirtay illaa maantana dhacda in hay’aduhu qofka beerka laga hayo ay wadnaha ka daweeyaan, meesha u baahan dugsina ay isbitaal ka dhisaan, tani waxay sheegaysaa sida ay isku maandhaafsan yihiin baahida bulshadeenan haysata iyo waxqabadka hay’adaha, kulankan maanta waa ka duwan yahay kuwii hore waana mid loo baahan yahay inaad maskaxdiinna maashaan oo aad meel ku qortaan caqabadaha hor-taagan bulshadeenna, shaqo abuurka iyo sida looga faaiidaysanayo sixida dhaliilaha ka dhex jira bulshadeena.”

Si kastaba ha ahaatee, kulankii maanta waxaa goobjoog ka ahaa hay’ado dhowr ah oo ay ka mid tahay ILO, ayna ku weheliyaan kuwo maxalli ah oo ay ka mid ahaayeen SONYO iyo SHAQO ABUUR ayaa waxay ahaayeen dadka badi kasoo qayb-galay kuwo u shaqeeya, waxaana meesha ka maqnaa oo aan arrinta waxba laga waydiin dhallinyarada shaqo la’aantu daalisay ee ku nool Boorama.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland













Click here
6/10/2013 2:30 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaallada la joojiyo, lagana soo qaybgalo shirweyne ay dowladdu u qabanayso dadka ku nool Jubbooyinka.

6/10/2013 1:55 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) —Waftigii uu hogaaminayey Maayarka magaaladda Hargeysa, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa, ka dib markii dhawr toddobaad safar shaqo ku maqnaayeen dalka Sweden oo ay casuumad ka heleen maayarka magaaladda Stockholm ee dalkaasi.

6/10/2013 1:18 PM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Xaflad lagu maamuusayay furitaanka iyo wareejinta xafiisyo cusub oo hay’adda SAACID ka hirgelisay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmadaas, iyadoo munaasabaddii furitaanka xafiisyadaas ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay maamulka degmada Kaaraan, madaxda hay’adda SAACID iyo marti sharaf kale.

6/10/2013 11:02 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaflad sagootin ah ugu sameysay madaxtooyada Soomaaliya, danjirihii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya iyo madaxii xafiiska UNPOS, dajire Augustine Mahiga oo howshan hayay muddo saddex sano ah.

6/10/2013 9:12 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo loogu talo-galay ka hortagga waxyaabaha qarxa iyo badbaadinta dadka wax ku noqda qaraxyada ayaa maanta dhoolla-tus kusoo bandhigtay magaalda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

6/10/2013 8:23 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo ah Gudoomiyaha gudidda la tashiga deeqaha Somaliland, Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in 21 shirkadood haleen mashaariic ay shaqo ka helayaan lix boqol oo qof, waxaanu ugu baaqay shirkadahaasi inay shaqaalaha ay qoran doonaan ku qaataan aqoon iyo cilmi, balse aanay garasho iyo qabyaaladda ku qaadan.

6/10/2013 8:22 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Xaalad nolal xumo ayaa soo food saartay qoysas danyar iyo barakacayaal isugu jira oo ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobollka Hiiraan iyo deegaannada ku dhaw dhaw oo ay maamulaan xoogagga Al-shabaab.

6/10/2013 8:21 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Maxkamadda degmadda Hargeysa, ayaa xukuntay Saddex qof oo Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyey fidinta diinta Kiristaan, isla markaana laba ka mid ah xoriyadoodii loo soo celiyey, halka midna lagu xukumay laba milyan oo Shiling Somaliland iyo mustaafuris aanay dib dambe ugu soo noqon karin dalka.

6/10/2013 6:54 AM EST
Isniin, June 10, 2013(HOL) :- Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa ah mid dagan walow aan ilaa imika lakala qaadin ciidamadii isku horfadhiyay gudaha magaalada ee kala taabacsanaa maamulka Kismaayo iyo ciidamada daacadda u ah Iftiin Xasan Baasto oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta sheeganeeysa hogaanka Jubbaland.

6/10/2013 3:38 AM EST
Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyey go’aankii ururka Midowga ee ahaa inay dib uga mid noqoto Soomaaliya saxiixayaasha heshiiskii Cotonou.