4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2013
Xaalad adag oo soo Food saartay Qoysas Dan-yar ah oo ku Nool deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Isniin, Juun 10, 2013 (HOL) — Xaalad nolal xumo ayaa soo food saartay qoysas danyar iyo barakacayaal isugu jira oo ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobollka Hiiraan iyo deegaannada ku dhaw dhaw oo ay maamulaan xoogagga Al-shabaab.

Dadkan oo qaarkood la soo xiriiray warbaahinta ayaa sheegay in xaaladooda dhinaca nolasha tahay mid aad liidata maadama aysan mudo dheer helin wax garagaar ah, kadib markii ay Al-shabaab ka mamnuuceen deegaannadaas in ay ka howlgalaan hay'addaha samafalka.

Degmada Jalalaqsi ee gobollka Hiiraan ayaa waxaa ku nool boqolaal qoysas ah oo xaalado kala duwan uga soo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen, laakiin xiligan ka cabanaya nolal xumo ka darran tii ay markii hore ka soo barakaceen.

Mid ka mid ah shaqaallaha ka howlgala xarun caafimaad oo ku taala degmada Jalalaqsi oo aan ay HOL la hadashay ayaa sheegay in nafaqo darro ba'an soo food saartay caruurta iyo dadka waayeelka ah ee ka tirsan barakacayaasha ku nool degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw, isaga oo sheegay in maalin kasta la soo garsiiyo dad aad u liita oo ay adag tahay in wax badan u qabtaan madaama aysan heysan dawo iyo agab caafimaad oo ku filan.

''Walaahi dadkaas wax badan u qabanno, ma heysano dhamaan agabkii caafimaad ee aan u baahneyn, laakiin dadaal badan ayaan sameynaa, intooda badan gaar ahaan caruurta nafaqa darradu heysato waxaan siinaa wax yaabo aan is leenahay tamar ayeey ka hellayaan,'' ayuu yiri howl-wadeenka caafimaad ee la hadllay HOL.

Dadka xaalada nolal xumo la soo darista qaarkood waxaa ay mar ku tiirsanaayeen gargaar lacag ah oo ay  bil walba ay siiso hay'adda Save The Childaren xarunteeda magaalada Baladweyne, laakiin xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay in ay uga digeen dadka ku dhaqan deegaannada ay ka maamulaan gobollka gaar ahaan degmada Jalalaqsi lacagaha gargaarka ah oo ay ka qaataan hay'adda, tasoo sii adkeysan xaaladooda nolaleed.

Inkastoo ay adag tahay dhaq dhaqaaqa hay'addaha samafalka ay ka sameyn karaa deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ee gobollka Hiiraan, ayeey haddana qoysaskan ka cabanaya xaaladaha nolal xumo waxaa ay dalbanayaan in gargaar lala gaaro.

Magaalada Baladweyne ayaa lagu arkayaa qaar ka mid ah dad isaga soo cararay sida ay sheegeen xaaladaha nolal xumo ee ka jira deegaannadaas iyaga oo maanka ku haya ugu yaraan gaargaar ay ka hellaan hay'addaha samafalka ka howlgala magaalada Baladweyne.

Ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha Al-shabaab ka soo saareen cabashada ay qabaan dadka danyarta ah iyo barakacayaasha ku dhaqan deegaannada ay gacanta ku hayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya