4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta kormeeray Xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Isbitaalka Martiini (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqasho ku tagay xarummo ay ka mid yihiin isbitaalka Martiini oo ay ku nool yihiin naafada ciidanka xoogga dalka, wasaaradda gaashaandhigga, dugsiga tababarka ee Jazeera iyo Villa Baydhabo oo ah taliska ciidanka xoogga, isagoo la ciiday Askarta ku jirta xeryahaasi.

Mudane Saacid ayaa kormeerkiisan waxaa ku wehliyay wasiirka cadaaladda, Cabdullaahi Ebyan Nuur, wasiirka kheyraadka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiir ku-xigeennada gaashaandhiga, arrimaha gudaha, warfaafinta iyo taliyeyaasha ciidamada milateriga, booliiska iyo nabadsugidda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyntii booqday isbitaalka Martiini halkaasoo ay deggen yihiin naafadii ciidanka xoogga dalka ee ka qaybgalay dagaalkii 19977-kii, waxaana ra’iisul wasaaruhu ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fitriga, isagoo u ballan-qaaday inay si joogto ah u heli doonaan xaquuqdooda ayna ku xaquuq yihiin askariga jooga furinta hore ee dagaalka.

“Muhiimadda aad noo leedihiin waxaad ka garan doontaan mushaarka ciidamada oo la idinku billaabay, sababtoo ah Qaranka xushmad gaar ah ayaad ku leedihiin maadaama aad xubnihiina qaaliga ah u waydeen difaaca dalka, waxaana idiin ballan-qaadayaa intii karaankeenna ah in dawladdu ay waxba idinka hagran doonin, maadaama aad tihiin taariikh nool,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid, isagoo sheegay in dowladdu aanay ilaawin kaalinta naafada xoogga.

Sidoo kale, ra’iisu wasaaraha ayaa tagay xarunta Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa xoogga dalka, isagoo u jeediyay khudbo dhiirri-gelin iyo mahadnaq isugu jirtay, waxaana taliyaha ciidanka xoogga, Jen. Daahir Aadan Cilmi uu goobta ku siiyay warbixinno la xariira diyaar-garow dayactirka wasaaradda lagu sameeyay. Wuxuuna xusay in ciidankani ay qabaan tababaro tayo sare leh oo ay siiyeen saraakiil Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday dugsiga tababarka ee Jazeera oo ku yaalla duleedka Muqdisho, halkaasoo ay ku jiraan ciidammo 1,080 askari ah, kuwaasoo loogu magic-daray Cali Boobaaye II, dhawaanna dhameystay tababar.

“Toddobaadka soo socda haddii ALLE yiraahdo waa la idiin dhameystirayaa qalabkiinna, waxaana la idiin kaga fadhiyaa inaad qayb libaax ka qaadataan soo celinta amniga dalka,” ayuu kula dardaarmay ra’iisul wasaaruhu ciidanka ku jira xerada Jaziira.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday xarunta taliska ciidanka xoogga dalka ee Villa Baydhabo, waxaana halkaasi uu kula kulmay dhamaan qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidanka, isagoo sidoo kalena kormeeray hoghaanada ciidanka.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya