4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Ciidamada AMISOM oo sheegay in 24 ka Tirsan Xoogagga Al-shabaab ay ku dileen dagaalkii ka dhacay Degmada Afmadow

Khamiis, August 08, 2013 (HOL) —  Ciidamada AMISOM ayaa sheegay Khamiis maanta ah inay ku dileen dagaalkii Arbacadii ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen 24 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kaddib markii ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay fashiliyeen weerar ay Al-shabaab kusoo qaadday degmadaas.

War-saxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegtay in Al-shabaab ay kusoo qaadeen degmadaas weerar qorsheysan iyagoo beegsnayay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Intii uu socday dagaal ay gellinkii dambe ee Arbacadii Al-shabaab kusoo qaadday degmada Afmadow waxaan ku dilnay 24 dagaalyahan oo ka mid ah kuwii weerarka soo qaadday, saddex ka mid ah waxay ahayaeen ajnabiga ka barbar dagaalama kooxda. Waxayna la baxsadeen kuwo oo dhaawacyo ay kasoo gaareen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay AMISOM soo saartay maanta.

Sidoo kale, AMISOM waxay ku sheegtay warkeeda inay ku furteen dagaalka hub kala duwan oo isugu jiray, rasaas, bambooyinka gacanta laga tuuro, laba qori oo kuwa culus ah iyo sagaal qori oo AK-47 ah.

Waxay kaloo ciidamada Midowga Afrika sheegeen in laba askari oo ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsan lagu dilay dagaalkaas, afar kalena ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Dhanka kale, Al-shabaab oo horay uga hadashay dagaalka ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku galeen gudaha degmada Afmadow ayna ku dileen askar isugu jiray kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee AMISOM.

Xarakada Al-shabaab oo ka talisa deegaanno ku yaalla Koonfurta Somalia ayaa kordhiyay weerarrada ay la beegsanayaan saldhigyada ay ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM intii lagu jiray bishii barakeysnayd ee Ramadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya