4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Qurbajoog Soomaaliyeed oo deeq lacageed gudoonsiiyay bukaanada ku jira Isbitalka weyn ee Magaalada Kismayo [SAWIRRO]



Khamiis, August 08, 2013(HOL) :- Iyadoo maanta guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya looga dabaaldegayo munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga ayay qurbajoog Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobolka Minisoota ee dalka Mareeykanka waxa ay deeq lacageed gaarsiiyeen bukaanada ku jira isbitalka guud ee magaalada Kismaayo.

Deeqdan lacageed oo gaareeysay $100 (Kun Dollar) ayaa la gudoonsiiyay bukaanada ku jira Isbitalka magaalada Kismaayo, waxaana ay ka timid gabdho Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Jubooyinka kuwaasoo ku dhaqan gobolka Minisoota ee dalka Mareeykanka Iyagoona usoo wakiisha Muuse Xasan Max’ed.

Ganacsade C/yare Jaamac Dhaloole oo isagu qeybinayay deeqda lacageed ee ay sadaqeysteen gabdha Soomaaliya ayaa sheegay in bukaanada ku jira Isbitalka ay gaarsiiyeen lacago dhan min 300,000 SH.Som, wuxuuna sheegay in lacagahaasi ay soo sadaqeysteen gabdho reer Jubbaland ah.

“Lacagahan aan maanta gudoonsiineeyno dadka masaakiinta ah eek u jira Isbitalka, waxa soo sadaqeystay gabdho Soomaaliyeed oo qeyrka jecel oo ku dhaqan gobolka Minisota ee dalka Mareykanka,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Qaar kamid ah dadkii la gudoonsiinayay lacagaha ayaa uga mahadceliyay gabdhaha kusoo waaaciyay lacagaha, waxayna Alle uga rajeeyeen in uu danbi dhaaf uga dhigo Aakhirana ku abaalmariyo Janno.

Deeqdan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maanta dunida Muslimka looga dabaaldegayo munaasibadda Ciidda barakeeysan ee ciidul Fitriga.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya