4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Shaqaalaha Ururka WOCCA oo Maanta la Ciiday Carruurta Soomaaliyeed ee ku Jira Xeryaha Barakacayaasha Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) —Shaqaalaha ururka daryeelka haweenka iyo carruurta ee WOCCA ayaa maanta waxay la ciideen carruurta ku jirta xeryaha barakacayaasha ee Tarabuunka magaalada Muqdishu, gaar ahaan xeryaha Nagaad iyo Samaahir, iyagoo gaarsiiyay deeq macmacaan ah oo gaareysay illaa 600 oo xirmo taasoo isugu jirtay nac-nac, shukulaato, doolsho, caano boore iyo buskud, deeqdan oo loogu talogalay in looga farxiyo carruurta waalidkood aysan awoodin inay u dhameeystiraan agabka ay carruurta ku ciidaan.

Deeqdan oo ah mid ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha ururka WOCCA ayaa waxaa ujeedkeedu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa niyadda carruurta ku dhibaateeysan xeryahaas lana dareensiinayay in shaqaalaha ururkan ay go’aansadeen inay farxadda ciidul-fitriga maanta ku qaataan xeryahaas.

Ugu horreyn, waxaa xeryahaas lagula ciiday carruurta ka hadlay Sh. Axmed Maxamuud Abtidoon oo ah guddoomiyaha xerada Samaahir isagoo si aad ah u soo dhaweeyay barnaamijka la ciidka carruurta ee shaqaalaha WOCCA, wuxuuna intaa ku daray in WOCCA mar walba ay si joogta ah ula socoto baahida xerada ka jirta, taasoo sahayshay inay dadka xeryaha ku nool ay helaan barnaamijyo loo soo marsiiyo hay`adda WOCCA.

Sheekh Axmed wuxuu shaqaalaha ururka uga mahad-celiyay deeqda maanta oo ah mid ay kasoo jareen mushaharkooda si ay noo tusiyaan carruurta ku jira xeradaas niyad wanaag, isla markaana ula ciidaan carruurta.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadashay madaxa isku xirka barnaamijyada nafaqeynta ee ururka WOCCA, Sacdiya Maxamed Cilmi oo faah-faahisay ujeeddada barnaamijka, isla markaasi baaq u jeedisay dhammaan ummadda muslimiinta ah ee wax awooda maanta iyo maalamaha kaleba inay dadka soo bakacay dareensiiyaan farxadaha ay ciiduhu leeyihiin, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed ee aan maanta oo kale haysan waxay ku ciidaan

Waxaa kaloo ka hadlay goobta, Daahir Xaaji Saciid iyo Mahdi Xaaji Saciid oo ah wiilal walaalo ah oo da’oodu kala ahayd 10-sano iyo 13-sano kuwaasoo ka yimid dalka Ingiriiska ee qaaradda Yurub, iyagoo ugu baaqay carruurta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha inay u soo jeestaan kaalmeeynta wallaalahooda Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga Muqdisho.

Barnaamijkaas la ciidka carruurta ku jira xeryaha barakacayaasha ayaa ku soo dhamaaday si wanaagsa; iyadoo ay halkaas kuwada ciideen qaar ka mid ah shaqaalaha ururka WOCCA oo uu ka mid ahaa agaasimaha ururka, Daa’uud Cabdulle iyo carruurta labada xero ee Samaahir iyo Nagaad.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya