4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Soomaalida ku nool Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi oo si wayn ugu soo baxay salaadii ciida ee Maanta (SAWIRRO)
IMG_02361.jpg
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) - Kumannaan Soomaaliya oo ku nool xaafada Islii ayaa maanta u soo baxay si ay u soo tukadaan salaada ciida.

Dadkan ayaa isugu soo baxay fagaarayaal kala duwan, iyadoo hal goob ah aysan qaadin dadweynaha xaafada Islii oo kumannaan ah.

Waxaana dadka wajiyadooda ka muuqday farxada ciida, iyagoo intooda badanina ay ku labisnaayeen dhar cusub oo aad u qurxoon.

Culimaa'udiin kala duwan oo khudbado dadweynaha u jeediyay ayaa ku wacdiyay ummada midnimo isku duubnaan iyo inay alla ka cabsiga badiyaan.

IMG_02271.jpg
IMG_02491.jpg
IMG_02651.jpg
IMG_02712.jpg
IMG_0278.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya