4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo Maanta si weyn loogu soo baxay Munaasabadda Ciidul-Fidriga (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal oo ka mid ah deegaannada maamulka Somaliland ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo shacabku ay camireen masaajidda ku yaalla degmadaas.

Aroortii hore ee saaka oo Khamiis ah ayaa waxaa gudaha magaaladaas isugu soo baxay dadweyne badan oo u dabaal-dagaya maalinta ciidda, iyadoo rag iyo dumar fara badan ay buuxiyeen masaajidda ku yaalla degmadaas, si ay u tukadaan saaladda ciidda.

Caruurta iyo dadka waaweyn ee soo dhameystay soonka bisha Ramadaan ee fadhiga badan ayaa waxaa laga dareemayay farxad aad u weyn, iyadoo qaar ka mid ah caruurta ay wateen waxyaabaha ay caruurtu ku ciidaan maalmaha ciidaha Islaamka.

Somaliland oo dhan ayaa maanta laga ciiday, iyadoo sidoo kalena muslimka caalamka ku nool oo dhanna ay maanta u dabaal-dageen maalita ciidul-fidiga oo ka mid ah labada ciidood ee Islaamku leeyahay.



Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland