3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ay ka taliso kooxda Al-shabab oo si weyn looga oogay Ciidul-fidriga (SAWRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ka mid ah degmooyinka ay Al-shabaab ka taliso ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo xubno ka tirsan Kooxdan ay dadka ku tujiyeen fagaare weyn.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay degmadaas, iyadoo salaadda kaddib uu hadal ka jeediyay goobta guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Galguduud, Sheekh Xasan Yacquub Cali wuxuuna ku boorriyay dadka ku nool degmadaas inay ka qaybqaataan dagaallada ay ku jirto Al-shabaab.

“Al-shabaab waxaa ka go’an inay dalka oo dhan kusoo rogto ku dhaqanka sharceeda Islaamka, waana in dadku ka qaybqaataan sidii lagu hirgelin lahaa arrintaas,” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo kuwa taageersan aysan joogsan doonin inta ay hadafkooda ka gaarayaan, wuxuuna intaas ku daray inay wadaan qorshayaal ay gobolka kaga saarayaan kooxo uu sheegay inay kasoo horjeedaan xaqa.

Al-shabaab oo deegaanno badan laga bixiyay labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa weli ka taliya deegaanno badan oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Degmada Ceelbuur ayaa ka mid ahayd goobihii Al-shabaab laga qabsaday sannadkii hore, balse ay dib ugu soo laabteen, wuxuuna sheegay Sheekh Xasan Yacquub inay goob walba oo laga saaray ay sidan oo kale dib ugu laaban doonaan.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/8/2013 4:41 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa sheegay Khamiis maanta ah inay ku dileen dagaalkii Arbacadii ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen 24 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kaddib markii ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay fashiliyeen weerar ay Al-shabaab kusoo qaadday degmadaas.

8/8/2013 4:40 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Munaasibadda Ciidda ayaa maanta si weyn looga xusay gobolka Sool, iyadoo dadweyne fara badan oo maalitan u dabaaldagaya ay isugu soo baxeen, inkasoo ay jireen dadweyne ku nool gobolkaas oo maanta soomanaa.

8/8/2013 1:07 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqasho ku tagay xarummo ay ka mid yihiin isbitaalka Martiini oo ay ku nool yihiin naafada ciidanka xoogga dalka, wasaaradda gaashaandhigga, dugsiga tababarka ee Jazeera iyo Villa Baydhabo oo ah taliska ciidanka xoogga, isagoo la ciiday Askarta ku jirta xeryahaasi.

8/8/2013 1:07 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa lagu qabtay maanta xarunta guddiga xiriirka Jubbooyinka ee Muqdisho, iyadoo ay kasoo qaybgaleen culumaa’udiin, hoggaamiyeyaasha dhaqanka ,siyaasiyiin iyo dadweyne kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka.

8/8/2013 12:15 PM EST
CIID WANAAGSAN: ALLA MAANTA AYAANTA, HEESTA CIIDDA

8/8/2013 12:02 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Tiro yar oo ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ahaa ayaa maanta oo Khamiis ah dib uga billowday garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi, kaddib markii uu garoonkaas dab qabsaday Arbacadii shalay.

8/8/2013 11:39 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal oo ka mid ah deegaannada maamulka Somaliland ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo shacabku ay camireen masaajidda ku yaalla degmadaas.

8/8/2013 10:54 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) —Shaqaalaha ururka daryeelka haweenka iyo carruurta ee WOCCA ayaa maanta waxay la ciideen carruurta ku jirta xeryaha barakacayaasha ee Tarabuunka magaalada Muqdishu, gaar ahaan xeryaha Nagaad iyo Samaahir, iyagoo gaarsiiyay deeq macmacaan ah oo gaareysay illaa 600 oo xirmo taasoo isugu jirtay nac-nac, shukulaato, doolsho, caano boore iyo buskud, deeqdan oo loogu talogalay in looga farxiyo carruurta waalidkood aysan awoodin inay u dhameeystiraan agabka ay carruurta ku ciidaan.

8/8/2013 10:34 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo ayaa subaxnimadii saakay gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/8/2013 9:51 AM EST
Khamiis, August 08, 2013(HOL) :- Iyadoo maanta guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya looga dabaaldegayo munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga ayay qurbajoog Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobolka Minisoota ee dalka Mareeykanka waxa ay deeq lacageed gaarsiiyeen bukaanada ku jira isbitalka guud ee magaalada Kismaayo.

8/8/2013 9:35 AM EST
Khamiis, August 08, 2013(HOL) :- Iyadoo guud ahaan dunida islaamka looga dabaaldegayo farxadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga ayaa waxa maanta magaalada Kismaayo siweyn looga xusay munaasibadaasi iyadoona dadka reer Kismaayo ay goobo kala duwan ku oogeen saladda ciidda.

8/8/2013 7:08 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaaan goboladda Somaliland, ayaa maanta u si weyn loogu Ciiday ciida fidriga ka dib markii ay soo dhamaysteen sodonkii cisho ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

8/8/2013 7:06 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Iyadoo guud ahaan dunida muslimka maanta siweyn loogu dabaal-dagayo maalinta koowaad ee Ciiddul-fidriga ayaa si gaar ah waxaa gobollada dalka Soomaaliya maanta si isku mid ah looga damaashaadayaa farxada Ciidda.

8/8/2013 7:05 AM EST
Kumannaan Soomaaliya oo ku nool xaafada Islii ayaa maanta u soo baxay si ay u soo tukadaan salaada ciida.

8/8/2013 4:15 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in 1.3 milyan doollarka Mareykanka ah ay heshay, si ay ugula dagaalanto cudurka halista ah ee dabeysha oo laga helay deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah.

8/8/2013 4:13 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa maanta si wanaagsan looga ciiday, iyadoo madaxda dowladda ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed inay is-cafiyaan ayna qayb ka qaataan sidii dalka loo nabadeyn lahaa.