3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Madaxweyne Silaanyo oo sheegay inaanay ka Qayb-galeyn Shirka Brussels ka dhacay ee loo qabanayo Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaaan goboladda Somaliland, ayaa maanta u si weyn loogu Ciiday ciida fidriga ka dib markii ay soo dhamaysteen sodonkii cisho ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dadweynaha Somaliland ayaa saaka subixii hore u dareeray salaadii ciidal fidriga, kuwaas oo ku  soo tukaday labadii ragcadood ee salaadda ciida garoomadda waaweyn ee magaaladda, ka dibna waxay kumanaankunkii qof ee ka soo dareeray salaadda ay buux dhaafiyeen wadooyinkii magaaladda, kuwas oo isku salaamayey ciid wanaagsan iyo ciid mubaarak, isla markaana ay dadku isa saamaxayeen ciidda awgeed.

Sidoo kale, waxa iyagana wadooyinka ku arkaysay caruur badan oo loo soo qurxiyey oo ku labisan dhar cusub oo qurux badan, isla markaana sita qalabkii ay ku ciyaareen, kuwaas oo aad u faraxsanaa, isla markaana ay wajigoodu ka muuqatay furfurnaan iyo farxad badan.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa isagu saaka ku soo tukadday garoonka kubadda cagta ee Xawaadle oo ay kumanaankun oo qof ku tukanayeen, halka madaxweyne ku xigeenkuna la soo tukaday dadweynihii ku tukanayey masaajidka weyn ee misjidul jaamaca ee badhtamaha magaaladda ku yaalla.

Waxa xusid mudan in madaxweynaha oo awal hore looga bartay inuu ku tukada masaajidka weyn ee misjidul jaamaca uu maanta u bedelay garoonka Xawaadle oo uu tukiyo Sheekh Aadan Siiro oo aallaa dhaliila siyaasadda xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, haseyeeshee Sheekh Aadan Siiro oo looga bartay inuu inta badan ka hadlo siyaasada iyo dhaliilaha madaxweynaha maalmaha Ciidda iyo jimcayaasha, ayaa garoonka uu madxweynuhu martida ugu ahaa ku soo dhoweeyey, isla markaana soo jeediyey in loo baahan yahay in xukuumada la saxo, isla markaana la is toosiyo, waxaanu madaxweynaha usoo jeediyey inuu ka qaybqaato iibinta dhul xabaalo laga dhigo oo ku yaalla waqooyiga Hargeysa, maadaama oo xabaalihii hore soo buux samayaan iyo in laga qaybqaato samaynta maktabad weyn oo buugaagta la dhigo oo wax lagu akhiristo oo Hargeysa laga hirgelin doono si ardayda jaamacadaha iyo iskuuladuba uga faa’iidaystaan.

Intaas ka dib waxa halkaasi khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey madaxweyne Siilaano, waxaanu ka hadlay shirka dhowaan ka dhici doona Dalka Biljam, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliilla, cadaaladda iyo dalacsiinta ciidamada kala duwan.

“Waxaan bogaadin u soo jeedinayaa ciidamada kala duwan ee qaranka oo aan u rajaynayo in dhammaan derajadii iyo gunnooyinka dalacaaduhu kuwada gaadheen ciidan kasta fadhiisinkiisa, Askari kasta waxaa saaran waajibaad, waxaana uu qaranka ku leeyahay xuquuq, derajaduna waxay ka mid tahay xuquuqda ciidamadu ku leeyihiin dawlada, waxaan ku kalsoonahay in ay derajadu soo kordhin doonto kala-danbaynta milgaha iyo haybadda ciidanimo, kor-u-qaadi-doonto muuqaalka  iyo karaamada dawladnimo”ayuu yidhi Madaxweyne Siillaanyo oo ka hadlaya dalacsiinta ciidamada Somaliland.

Isagoo madaxweynuhu ka hadlaya shirka dhowaan lagu qaban doonno Brussels ee dalka Biljam waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay in aan halkan ka cadeeyo mawqifka dawladda ee ku aadan shirka dunidu noogu baaqday ee Brussels, maadaama ay EU-da iyo Somalia wada marti-gelinayaan (Co-hosting), waxaanu u aragnaa mid dhaawacaya jiritaanka iyo qaranimada Dalkan, kaasoo aan waxba kaga duwanayn shirarkii hore ee aanu diidnay, sidaa darteed kama soo-qayb-gelayno shirkaas”.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu bulshadda kula dardaarmay inay nabadgalyadda ilaaliyaan iyo shuruucda dalka u taalla, waxaanu siyaasiyiinta dhaliile ee mucaaradk ah ee dhowaan samaystay gole ay ku midoobaan ee golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka uu madaxweynuhu si dad badan ula hadlay,isla markaana usoo jeediyey in cidii doonaysa inay dhaliisho ay ku biiraan xisbiyada mucaaradka, balse aan  sharciga jabin, isagoo arintaasi ka hadlaya wuxuuna yidhi:

“Walaalayaal aan ka digtoonaano dhagaraha cadawga oo aan meel uga soo wada jeesano cid kasta oo dalkani hagardaamo u soo maleegaysa, qofkasta oo talo, toosin iyo taageero doonaya waxaanu jecel-nahay in uu noo soo gudbiyo,  gacmo furan ayaanu ku soo dhawaynaynaa, laakiinse waa in aanu doc-faruurin nidaamka dawladnimo iyo shuruucda dalka, qofkii doonaya in uu wax dhaliilo, canaanto ama siyaasad u tartamo waxaynu u samaysanay nidaamka Xisbiyada badan, dalkuna waa dal dimuquraadi ah, waxaynu wax ku nahay dawladnimada, qofkastana xil baa ka saaran illaalinta qaranimada, anigana Madaxweyne ahaan, waxaa xil iyo waajib iga saaran-yahay dalka iyo dadkiisa in aan ku illaaliyo xaydaabka sharci, cidna ka yeeli-maayo inay iska gudub marto”.

“Waxaan aaminsanahay in aan xabadi xalkeenin, walaalayaal dhulku guurimaayo, go’inamaayo, dadka geyigan ku dhaqanina waa dad walaalo ah oo aan marnaba kala maarmayn, Dalka Somaliland waa qani hadii laga shaqaysto, waana inagu filan-yahay, wixii laysku maan-dhaafana wada-hadal iyo isu-tanaasul ayaa inoo dhaqan ahaa oo aynu ku soo caano-maalnay. Walaalayaal ku soo dhawaada nidaamka wada-hadalka iyo qalinka horumarka”ayuu yidhi madaxweynuhu mar uu ka hadlayey khilaafka ka taagan gobolada bariga.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay cadaaladda iyo sida loogu baahan yahay, isagoo xusay inay cadaaladdu tahay aasaaska nolosha iyo  jiritaanka dawladnimada, waxaanu sheegay inuu ka go’antahay inuu qofkasta uu  cadaalad helo, isla markaana  garsoorku  madax banaado.

Guntii iyo gabogabadii waxa uu ilaahay u baryey inuu caafimaad siiyo inta bugta ee awoodi kari wayday inay umadda la ciidaan.








Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
8/8/2013 4:41 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa sheegay Khamiis maanta ah inay ku dileen dagaalkii Arbacadii ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen 24 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kaddib markii ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay fashiliyeen weerar ay Al-shabaab kusoo qaadday degmadaas.

8/8/2013 4:40 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Munaasibadda Ciidda ayaa maanta si weyn looga xusay gobolka Sool, iyadoo dadweyne fara badan oo maalitan u dabaaldagaya ay isugu soo baxeen, inkasoo ay jireen dadweyne ku nool gobolkaas oo maanta soomanaa.

8/8/2013 1:07 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqasho ku tagay xarummo ay ka mid yihiin isbitaalka Martiini oo ay ku nool yihiin naafada ciidanka xoogga dalka, wasaaradda gaashaandhigga, dugsiga tababarka ee Jazeera iyo Villa Baydhabo oo ah taliska ciidanka xoogga, isagoo la ciiday Askarta ku jirta xeryahaasi.

8/8/2013 1:07 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa lagu qabtay maanta xarunta guddiga xiriirka Jubbooyinka ee Muqdisho, iyadoo ay kasoo qaybgaleen culumaa’udiin, hoggaamiyeyaasha dhaqanka ,siyaasiyiin iyo dadweyne kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka.

8/8/2013 12:15 PM EST
CIID WANAAGSAN: ALLA MAANTA AYAANTA, HEESTA CIIDDA

8/8/2013 12:02 PM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Tiro yar oo ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ahaa ayaa maanta oo Khamiis ah dib uga billowday garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi, kaddib markii uu garoonkaas dab qabsaday Arbacadii shalay.

8/8/2013 11:39 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal oo ka mid ah deegaannada maamulka Somaliland ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo shacabku ay camireen masaajidda ku yaalla degmadaas.

8/8/2013 10:54 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) —Shaqaalaha ururka daryeelka haweenka iyo carruurta ee WOCCA ayaa maanta waxay la ciideen carruurta ku jirta xeryaha barakacayaasha ee Tarabuunka magaalada Muqdishu, gaar ahaan xeryaha Nagaad iyo Samaahir, iyagoo gaarsiiyay deeq macmacaan ah oo gaareysay illaa 600 oo xirmo taasoo isugu jirtay nac-nac, shukulaato, doolsho, caano boore iyo buskud, deeqdan oo loogu talogalay in looga farxiyo carruurta waalidkood aysan awoodin inay u dhameeystiraan agabka ay carruurta ku ciidaan.

8/8/2013 10:34 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo ayaa subaxnimadii saakay gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/8/2013 9:51 AM EST
Khamiis, August 08, 2013(HOL) :- Iyadoo maanta guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya looga dabaaldegayo munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga ayay qurbajoog Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobolka Minisoota ee dalka Mareeykanka waxa ay deeq lacageed gaarsiiyeen bukaanada ku jira isbitalka guud ee magaalada Kismaayo.

8/8/2013 9:35 AM EST
Khamiis, August 08, 2013(HOL) :- Iyadoo guud ahaan dunida islaamka looga dabaaldegayo farxadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga ayaa waxa maanta magaalada Kismaayo siweyn looga xusay munaasibadaasi iyadoona dadka reer Kismaayo ay goobo kala duwan ku oogeen saladda ciidda.

8/8/2013 8:10 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ka mid ah degmooyinka ay Al-shabaab ka taliso ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo xubno ka tirsan Kooxdan ay dadka ku tujiyeen fagaare weyn.

8/8/2013 7:06 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Iyadoo guud ahaan dunida muslimka maanta siweyn loogu dabaal-dagayo maalinta koowaad ee Ciiddul-fidriga ayaa si gaar ah waxaa gobollada dalka Soomaaliya maanta si isku mid ah looga damaashaadayaa farxada Ciidda.

8/8/2013 7:05 AM EST
Kumannaan Soomaaliya oo ku nool xaafada Islii ayaa maanta u soo baxay si ay u soo tukadaan salaada ciida.

8/8/2013 4:15 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in 1.3 milyan doollarka Mareykanka ah ay heshay, si ay ugula dagaalanto cudurka halista ah ee dabeysha oo laga helay deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah.

8/8/2013 4:13 AM EST
Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa maanta si wanaagsan looga ciiday, iyadoo madaxda dowladda ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed inay is-cafiyaan ayna qayb ka qaataan sidii dalka loo nabadeyn lahaa.