6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Dagaal beeleed Khasaare Nafeed geystay oo Maanta ka Qarxay Deegaan ku yaalla Koonfurta Gobolka Mudug

Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ah ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaallo dagaal beeleed ka qarxay maanta deegaanka Baraag-Ciise oo ku taalla koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalkan oo salka ku haya is-qabqabsi dhinaca dhulka ah ayaa dhowr jeer oo hore beelahan ku dhexmaray deegaannada hadda lagu dagaallamayo oo ah kuwa la isku haysto, waxaana lasoo sheegayaa in weli dagaalku ka socdo deegaankii uu ka billowday.

“Inta la hubo waxaa ku dhimatay dagaalka afar qof oo malleeshiyooyinka dagaalamaya ka kala tirsan, waxaana dagaalku uu daba socdaan kuwo horay u dhexmaray labada beelood,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka Bacaadweyne oo mid ka mid ah beelaha dagaallamaya ay kasoo jeeddo.

Ma jiraan dadaallo lagu doonayo in dagaalkan lagu hakiyo oo ka socda halka uu ka qarxay, waxaana dadka u dhow deegaannadaas ay sheegeen inay tan iyo saakay maqlayeen hubka ay dhinacaydu isku adeegsanayaan.

“Xaalad cabsi leh ayaa taagan, dhinacyada dagaalamaya waxaa soo gaaraya gurmadyo kala duwan, dhaawacyo dhowr ah oo dagaalka ka dhashay ayaa loo qaaday maagaalooyinka waaweyn si loogu daweeyo,” ayay tiri haweeney ku nool deegaan ku dhow deegaanka uu dagaalku ka socdo.

Beelahan ayaa dagaalkoodu wuxuu soo billowday sannadkii 2009, iyadoo ay ku naf-waayeen dad badan oo ay ku jiraan qoysas si gaadmo ah loo laayay, iyadoo heshiisyo laga gaaray dagaaalladan ay shaqeyn waayeen.

Maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug oo maamulka deegaannada kala sheegta ayaan ka hadlin dagaalka socda, sidoo kalena ma jiraan wax lug ah oo ay ku leeyihiin, sida ay soo sheegayaan dadka deegaannadaas ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/3/2013 7:15 PM EST
Sabti, 03 August 2013(HOL)—Taliska ciidanka booliska gobolka Minnesota gaar ahaan waaxda Metro Transit Police ayaa soo dhaweeyay 2 sarkaal oo Somali-America ah, kuwaas oo ka mid ahaa 19 saarkiil cusub oo shalay loo dhaariyay ka mid noqoshada ciidanka booliska gobolka.

8/3/2013 4:04 PM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Eritrea ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud; ayna taageerayaan dadaallada ay ku doonayso xasilinta dalkeeda.

8/3/2013 4:03 PM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa raallin-gelin ka bixisay darawal Soomaaliyeed oo ay maanta ciidamadoodu ku toogteen illinka hore ee Xalane oo ah xarunta ay AMISOM ka deggen tahay Muqdisho.

8/3/2013 10:09 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda si ay uga qayb-galaan shirka dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya.

8/3/2013 10:03 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa iska fogeeyay eedeyn ku saabsan inuu mas’uul ka ahaa dagaallo ka dhacay Qardho, isagoo ku tilmaamay eedeyntaas mid aanay waxba ka jirin.

8/3/2013 9:24 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeyay dowladda Somalia inay jabisay heshiisyo badan oo horay loo gaaray, isagoo ku goodiyay inay xiriirka u jari doonaan.

8/3/2013 8:29 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa dil toogasho ku ah ku xukuntay eedeysane, Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen oo lagu helay in uu dilay 21-kii September, 2012 wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

8/3/2013 8:14 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia ahna wasiiradda arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu baaqday dalalka caalamka inay maal-gasho ku sameystaan Soomaaliya, kaddib isbedel dhinaca ammaanka ah oo ka dhacay sida ay ku sheegtay wareysi ay siisay wakaaladda wararka Shiinaha ee Shinwaa.

8/3/2013 3:50 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii aanay Muqdisho mar kale uga dhici lahayn qaraxyo lagu dhibaateeyo shacabka Muqdisho.

8/3/2013 2:50 AM EST
Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweeynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo uu uga qeybgali doono shirka madaxweeynayaasha wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.