4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Maxkamadda Darajiada koowaad oo Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku ridday Eedeysnaa lagu helay dilkii Wariye Absuge

Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa dil toogasho ku ah ku xukuntay eedeysane, Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen oo lagu helay in uu dilay 21-kii September, 2012 wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamadda, Col. C/llaahi Maxamed Muuse ayaa sheegay in eedeysanaha ay dilka ku rideen lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay ayna ku caddeeyeen shan qof oo markhaatiyaal ah, horayna uu xukunkan rafcaan uga qaatay.

“Maxkamaddu markii ay ka baaraan-dagtay sida ay wax u dhaceen ayna dhageysatay shantii markhaatiyaal ee maxkamadda la horkeenay iyo qareenkii eedeysanaha, maxkamadda waxaa u caddaatay in eedeysane Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen uu dilka wariyaha geystay, waxayna ku xukuntay dil toogasho oo aan diyo lahayn,” ayuu yiri Col. C/llaahi Maxamed.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha la xukumay uu laba xabbadood ku dhuftay wariyaha uuna qirtay inuu ka mid yahay Al-shabaab, taasna ay qayb ka tahay qodobbadii ay maxkamaddu u cuskutay xukunkiisa.

Gacan-ku-dhiiglaha la xukumay ayaa wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee lagu eedeeyo inuu dilo mid ka mid ah wariyeyaashii laug dilay Soomaaliya oo ay maxkamadi xukun ku riddo, iyadoo aysan jirin cid kale oo horay loogu riday xukunkan oo kale.

Sannadkii hore ayaa waxaa Soomaaliya lagu dilay 18-wariye, kuwaasoo inta badan lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana ku jiray saddex lagu dilay qarax ay Al-shabaab la beegsadeen maqaahi ku taalla agagaarka Tiyaatarka Muqdisho.

Dhanka kale, maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale xukun sideed sano oo xabsi ah ku ridday askari ka tirsanaa ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu xabsiga kasii daayo ruux eedeysane ahaa.

Askariga la xukumay oo lagu magacaabo, Jiinoow Xasan Kulmiye ayaa lagu helay dambiga sida uu guddoomiyaha maxkamaddu sheegay, waxaan sidoo kale laga qaaday darajadii ciidanka, iyadoo laga saaray ciidanka Asluubta oo uu ka tirsanaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya