4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Saraakiil Soomaali ah oo ku biiray Ciidanka Booliska Metro Transit magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota (SAWIRRO)


Sabti, 03 August 2013(HOL)—Taliska ciidanka booliska gobolka Minnesota gaar ahaan waaxda Metro Transit Police ayaa soo dhaweeyay  2 sarkaal oo Somali-America ah, kuwaas oo ka mid ahaa 19 saarkiil cusub oo shalay loo dhaariyay ka mid noqoshada ciidanka booliska gobolka.

 

Labdan sarkaan ee Soomaaliyeed ayaa kala ah Saalax Axmed iyo Cabdi-kheyr Xirsi waxayna si rasmi ah uga mid noqdeen ciidanka bad-qabka dadweynaha ee loo yaqaan Metro Transit Police ee gobolka, iyadoo taliyaha ciidanka booliska John Herrington uu dhaariyay saraakiishan cusub.

 

Xafladda dhaarta oo ay ka soo qeyb galeen qoysaska saraakiishan iyo asaxaabtooda oo ka dhacday hotelka Ramada Plazza ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha  guud ee ciidanka  Brian Lamb wuxuna sheegay inay ku faraxsan yihiin ciidanka cusub ee ku soo biiray.

 

“Dadkiina ayaad caawineysaan, si ay u helaan ammaan” ayuu yiri Lamb oo intaas ku daray “Waan ogahay inaysan aheyn shaqo fudud, laakiin dadaal ayaa la idinka rabaa, waayo dadka ayaa u baahan, waana idinka mahadcelin doonaa”

 


Tirada dhalinyarada SOomaaliyeed ee ku biiraya ciidanka booliska ayaa sii kordheysa, waxaana la filaya in saraakiil kale oo Soomaaliyeed  loo labiso, maadaama daba yaqaada sanakan la dhaarin doono 22 sarkaal oo cusub, iyadoo tirada guud ee Soomaalida booliska gobolkan ayaa hada gaareysa 13 sarkaal oo howl kar ah.

 

Soomaalida magaaladda Minneapolis ayaa soo dhaweeyay xulashada Sarakiisha Cusub ee Saalax Axmed iyo Cabdi-kheyr Xirsi.

 

Si loo ilaaliyo bad-qabka dad weynaha waxay  Saraakiishan ka shaqeyn doonaan goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha, sida basaska iyo tageernka.



Sawirqaade: Ilyaas Macoow

 

Faarax Blue, Hiiraan Online

[email protected]
Minneapolis, Minnesota