4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Madaxweynaha Puntland oo eedeyn Kulul u Jeediyay Dowladda Soomaaliya kuna hanjabay inay xiriir u goynayaan

Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeyay dowladda Somalia inay jabisay heshiisyo badan oo horay loo gaaray, isagoo ku goodiyay inay xiriirka u jari doonaan.

Faroole oo ka hadlayay xuskii aasaaska Puntland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hareer martay xeerar hoosaadyadii dalka iyo qodobbadii lagu heshiiyay, isagoo sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku koobtay awoodihii dalka, sida magacaabista safiirrada iyo ka qaybgalka shirarka caalamiga ah.

“Dowladda federaalku waxay si iskeed ah wax ka bedel ugu sameysay dastuurkii dalka, haddii arrintaas laga laaban waayana waan ka fiirsanaynaa xiriirka aan la leennahay, waayo innaga iyo dowladda waxaa naga dhexeeya waa dastuurka,” ayuu madaxweynaha Puntland ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, Faroole wuxuu sheegay in danjirihii kasoo jeeday Puntland ee u fadhiyay Soomaaliya magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya halkaas laga bedelay loona magacaabay cid aan Puntland kasoo jeedin, taasna ay ka mid tahay ku takri-falka awoodeed ee dowladda Soomaaliya.

“Haddii tallaabooyinkan ay sii socdaan Puntland waxay go’aan cad ka qaadan doontaa lasii shaqeynta dowladda federaalka ah,” ayuu Faroole ku hanjabay isagoo xusay in Puntland ay gooni isku taagi karto ayna dhaqaale ahaan isku filan tahay.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay Somaliland inay ku ekaato deegaannadeeda oo aysan shidaal ka baari karin deegaan aan ka mid ahayn deegaannadeeda oo ay ku ekaato xuduudaheeda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in marka ay arkeen siyaasadda dhaqaale ee dowladda federaalka ay Puntland go’aan ku gaari doonto inay lacago gaar ah soo sameysto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya