4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
AMSIOM oo Raalli-gelin ka bixisay Muwaadin Soomaaliyeed oo ay Maanta ku dileen bannaanka hore ee Xaruntooda Muqdisho

Sabti, August 03, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa raallin-gelin ka bixisay darawal Soomaaliyeed oo ay maanta ciidamadoodu ku toogteen illinka hore ee Xalane oo ah xarunta ay AMISOM ka deggen tahay Muqdisho.

Ergayga gaarka ee Midowga Afrika u  qaabisan Soomaaliya, dajire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa sheegay inuu aad uga naxay shilkan darawalkan lagu toogtay xilli uu ku sugnaa bannaanka hore ee xarunta AMISOM.

Warsaxafadeed ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegtay in shilkan uu ahaa mid dhacay xilli amar lagu siiyay darawalka dhintay oo gaari xamuul waday inuu joogsado, balse uu kusoo dhawaaday illinka xarunta, markas kaddibna uu askari ka tirsan ilaalada albaabka xabado digniin ah ku riday ka hor intii uusan taayarada gaariga toogan, laakiinse nasiib-darro xabbad dhulka ku dhacday ay ku haleeshay dawaralka, dhaawac ahaanna loo geeyay isbitaalka AMISOM halkaasoo uu ku geeriyooday.

“Aad ayaan uga xumahay shilka nasiib-darrada ah ee dhacay. Waxaan sameyn doonnaa baaritaan ku saabsan sida uu shilku ku dhacay, waxaana marsiinaynaa hannaanka iyo shuruucda u aalla Midowga Afrika. AMISOM waxay ku shaqeysaa mas’uuliyad ku dhisan yareynta dhibaatooyinka kasoo gaaraya howgalkeeda dadka rayidka ah,” ayuu yiri Maxamed Anaadiif.

Ugu dambeyn, ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu tacsi u diray ehelladii, saaxiibbadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday darawalka, iyadoo aan caddeynayo in AMISOM ay halkan u joogto buu yiri taageeridda dowladda Soomaaliya iyo xaqiijinta ammaanka shacabka Soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM ay dad rayid ah ku dilaan Muqdisho tan iyo markii ay howgalldooda billlowdeen sannadkii 2007, waxaana dhowr jeer ay ciidammo ka tirsan AMISOM toogteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheega in marka ay shilalka noocan oo kale ah dhacaan inay baaritaanno ku sameyn doonaan, inkastoo aan dib dambe loo arag natiijooyinka kasoo baxa baaritaannada la sameeyo.

Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari ayaa waxay ka howlgalaan deegaanno iyo gobollo ka tirsan Soomaaliya ,waxayna ciidamada dowladda ka caawiyaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya