3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2013
Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo sheegay in Argagxisadu ay beegsadaan dhallinyarada Kenyanka ah ee aan Shaqooyinka haysan

Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ah ay beegsadaan inta badan dhallinyarada aan shaqooyinka haysan ee Kenya, si ay ugu biiraan oo ay ugu dagaalamaan.

Ruto wuxuu sheegay in kooxihii weeraray Westgate Mall ay ahaayeen kuwo lagu beeray fikirka, isagoo xusay in xukuumadu ay wax ka qabanayso sidii looga bixi lahaa dhibaatada shaqo la’aaneed ee haysata dhallinyarada.

“Xukuumaddu waxay kala shaqeynaysaa koox ay dhalliyarada Kenya iska soo xuleen sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa oo aan hadda fadhin,” ayuu hadalkiisa ku caray madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, Ruto.

Isagoo ka hadlayay xaflad loogu duceyayay dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay dhawaan magaalada Nairobi ayaa sheegay in fikirka argagaxisadu uu yahay in la laayo caruurta, haweenka iyo dadka aan waxba galabsan.

“Fikirka argagaxisu waa mid ku dhisan diin waa mid aan la aqbali karin mana ahan mid jirta, ma jiro fikir uu ku dhisan yahay. Muslimiinta, kirishtaanka iyo Hinduusku si isku mid ah ayay uga damqadeen dilkii loo geystay shacabkii ku sugnaa Westgate Mall,” ayuu hadalkiisa ku daray Ruto.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo sii hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Muslimku waa inuu ilaaliyaan Kirishtaanka Kenyanka ah, sidoo kale Kirishtaanku waa inay ilaaliyaan Muslimiinta Kenyanka ah, argagaxisaduna ha aaddo naarta.”

Wuxuu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Al-shabaab ay sheegto inuu ahaa weerarkii ay Kenya kusoo qaadeen mid ay uga aargudanayaan dhib ay ciidamada Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya. Isagoo xusay in sababta ay ciidamada Kenya u galeen gudaha Soomaaliya ay ahayd markii kooxaha argagaxisada ah ay soo tallaabeen xuduudda ayna dhibaatooyin ka geysteen gudaha Kenya.

“Haa… qorshaha aan u galnay Soomaaliya waa inaan sugno ammaankeenna, balse qorshaheennu ma ahayn inaan u galno Soomaaliya inaan dhibaato ku noqono dalkaas aanu dariska nahay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Ruto ayaa sheegay in shacabka Kenya iyo hay’adaha amniga looga baahan yahay inay iskaashadaan si ay uga hortagaan weerarrada ay geysanayaan kooxaha argagaxisada ah. Isagoo intaas ku daray inaysan dhici doonin in weerar argagaxiso laga geysto gudaha Kenya mar kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/1/2013 6:09 PM EST
Talaado, Tuesday, October 01, 2013 (HOL) - Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fawzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa manta magaalada Ottawa kula kulantay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada John Baird.

10/1/2013 2:09 PM EST
Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya ay dagaal kula geli doonaan gudaha dalkaas Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyad weerar maalmo qaatay oo toddobaadkii hore lagu qaaday suuqa Westgate Mall.

10/1/2013 12:09 PM EST
Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Magaalada Nairobi ayaa maanta loogu sameeyay xaflad duco ah dadkii ku dhintay weerarkii Westgate Mall halkaas oo ay toddobaadkii hore muddo laba casho gacanta ku hayeen xoogagga ka tirsan Al-shabaab.

10/1/2013 10:41 AM EST
Muddo sannad laga joogo ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu igmaday Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon saacid inuu soo dhiso xukuumad loo dhanyahay oo sii ambaqaada horumarka ummada Soomaaliyeed hiigsanayso.

10/1/2013 9:07 AM EST
Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho.

10/1/2013 8:43 AM EST
Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxmauud (Siillaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo , ayaa maanta u anbabaxay dalka Turkiga kaas oo uu casuumad ka helay.

10/1/2013 8:17 AM EST
Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Dhacdo naxdin ku noqotay bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan ayeey aheyd kadib markii Aabe lagu magacaabo Cumar Shire habeenimadii xalay uu ku gowracay afar caruur ah oo uu dhalay dhamaantoodna ahaa wiilal deegaannka lagu magacaabo Galxamur oo ka tirsan gobollka Hiiraan.

10/1/2013 1:58 AM EST
Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ottawa ee dalka Canada shalay oo ahayd 30-kii bishii September ee aynu soo dhaafnay.

10/1/2013 1:26 AM EST
Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in nabad lagu soo celiyo Soomaaliya ay u baahan tahay in la-laba-laabo dagaallada lagu jiro Al-shabaab, isagoo intaas ku daray in dagaalka lagu soo af-jarayo kooxdan uu noqon karo mid socda muddo fog.

10/1/2013 1:25 AM EST
Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Howlgallo lagu soo qabqbatay dad fara badan ayay xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.