4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2013
Maxay qabatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaddib hal sano markii lasoo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Saacid?
2012-10-06T185808Z_1_CBRE8951GOZ00_RTROPTP_2_CNEWS-US-SOMALIA-POLITICS.jpgTalaado, October 01, 2013 (HOL) - Muddo sannad laga joogo ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu igmaday Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon saacid inuu soo dhiso xukuumad loo dhanyahay oo sii ambaqaada horumarka ummada Soomaaliyeed hiigsanayso.

Ma dhibyara in waddan uu dagaal ragaadiyay sida Soomaaliya uu helo dawlad wada-haqab tirta baahida shacabka, iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana Xukuumada Soomaaliya ay sheegtay in sannadkii ay jirtay ay wax wayn ka qabatay dalka.

Inkastoo ay jiraan dhaliilo farabadan oo loo jeedinayo xukuumada ayaa haddana halkan waxaa idin kugu soo koobaynaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee dawladu ay sheegtay inay xooga saartay tan iyo markii lasoo magacaabay Ra’iisul wasaare Saacid 6-dii bishii October ee sannadkii hore.

  • Baab’inta nidaamkii 4.5 ee lagu soo dhisi jiray xukuumadahihii hore.
  • Ka qaybgalinta haweenka maamulka dalka oo markii ugu horreysay haweenku ay heleen Ra’iisul wasaare ku xigeen iyo gudoomiyaha Bangiga dhexe
  • Soo celinta xiriirkii Soomaaliya ay la lahayd caalamka oo si wayn loogu guulaystay.
  • Dib u hawlgalinta bangigii dhexe ee dalka oo haatan si rasmi ah u shaqeeynaya
  • Hirgalinta barnaamijka loogu magic daray “Dugsiyada aada” oo la doonayo in hal milyan oo caruur ah ay helaan waxbarasho lacag la’aan kaasoo laga hirhaliyay dhammaanba gobollada.
  • Dhisitaanka guddiyo qaran oo la tacaala arrimaha ammaanka, tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo waliba gudi kale oo loo saaray baaritaanka dilalka suxufiyiinta.
  • Muqdisho oo loo soo wareejiyay inta badan shirarkii Soomaalida bannaanka loogu qaban jiray iyadoo ay ka dhaceen ( Shirweynihii dib u habaynta hay’adaha garsoorka, Shirweynihii wadatashiga bulshada Soomaaliyeed iyo Shirweynihii culumida Soomaaliyeed ee ku aadanaa la dagaallanka xagjirnimida).
  •  Dib u heshiisiinta ayaa kaalin muuqata dawladani ka qaadatay iyadoo sii adkaysay wadahadalladii Somaliland, waxaana  guul ku dhammaaday arrimihii Jubbaland iyadoo la filayo bishan October bilowgeeda gogol nabadeed in loo fidiyo dadka nool gobolladaasi.
  •  Diyaarinta shuruucdii dhisitaanka hay’adaha kala duwan ee dalka, kuwaasoo intooda badan ay baarlamaanku meelmariyeen.
  • Xakamaynta khilaafaadka soo dhex gala madaxda qaranka, si dalka looga badbaadiyo inuu dib ugu laabto ismariwaa siyaasadeed taasoo horseeday wadashaqayn aan horay loo arag oo dhexmarta hogaamiyayaasha qaranka.
  • Dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya (Civil Aviation) iyo u hawlgalida dic u furida shirkadii duulimaadyada ee Somali Airlines.

Intaasi waxay ahaayeen qaar kamid tallaabooyinka dawlada Soomaaliya ay sheegtay inay qaaday tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday KMG oo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya uu soo magacaabay Ra'iisul wasaare Saacid.

Inkastoo horumar ballaaran la sameeyay intii laga baxay KMG ayaa hadana dadka dhaliila dawlada ay ku eedaynayaan in wax badan aysan ka qaban arrimo muhiim ah oo la qaban karay halkaa sano.

Axmed C.samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya