4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2013
Dadkii ku dhintay Weerarkii Westgate Mall oo Maanta loo Sameeyay xaflad duco ah oo ay ka qabteen Culummada Islaamka

Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Magaalada Nairobi ayaa maanta loogu sameeyay xaflad duco ah dadkii ku dhintay weerarkii Westgate Mall halkaas oo ay toddobaadkii hore muddo laba casho gacanta ku hayeen xoogagga ka tirsan Al-shabaab.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa ka mid ahaa dadkii kulankaas ducada ah ka qaybgalay, iyagoo weerarkii lagu qaaday suuqa ganacsi ku tilmaamay mid taabatay dadka Kenya, muslim iyo kirishtaanba.

Culummo muslimiinta ahaa oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in kooxaha dhibaatada geystay sida Al-shabaab aysan ku hadli karin afka islaamka iyo kan Soomaalida, balse ay tahay koox u bareertay inay dhibkaas sameyso.

“Weerarkii Westgate Mall wuxuu ahaa mid dhibaato ay kasoo gaartay dadka Kenyan-ka ah oo dhacay, xitaa waxay dhibaato kasoo gaartay dad ajnabi ah, mana ahan ficil Islaam, diinta Islaamkuma ma ahan diin dhibaato,” ayuu yiri mid ka mid ah culummaddii muslimiinta oo kulankaas ka hadlay.

Sheekhan wuxuu sheegay in Islaamka iyo kirishtaanka Kenya ay dhibaato xanuun badan dareemeen, isagoo xusay in dadkii ku dhintay ay muslimiin iyo gaalaba ku jireen, isagoo sheegay in taasi ay caddeyn u tahay inaysan dhibaatadaasi ahayn mid uu islaamku geystay.

Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarkii Westgate Mall, halkaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 70-qof, ayna ku dhaawacmeen in ku dhow 200-qof, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalada Nairobi.

Sidoo kale, waxaa kulankaas ducada ahaa ka hadlay wadaaddo masiixiyihiin ah oo sheegay in dhibaatadii ka dhacday Westgate ay aad uga xumaadeen, iyagoo soo dhaweeyay hadalkii wadaadada muslimiinta Kenya ee ahaan in dhibaatadan aysan ahay mid uu Islaamku geystay, balse ay geysteen dad u bareeray inay dhibaatadan geystaan.

Caruur yar-yar oo isugu yiri muslimiin, hinduus, singe-singe iyo masiixiyiin oo hadallo kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhibaatadii ka dhacday Nairobi, iyagoo Alle u weydiiyay Kenya inuu nabadda ku sugo.

Qaar ka mid ah caruurtan ayaa halkaas ka qaaday tixo suugaan ah oo ay ku cabirayeen dareenkooda ku aaddan dhibaatadii ka dhacday Nairobi, waxaana ka mid ahaa gabar singe-singe ahayd oo hees ay afka Hindiga ku qaaday ku sheegtay inay aad uga xun tahay dhibaatada ayna khayr u rajeynayso dadkii ku dhintay oo dhan.

Dadkii munaasabadda ka qaybgalay ayaa waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dihbaatadii ka dhacday Westgate Mall, waxaana la arkayay qaarkood oo ilmeynaya, waxaana dadka ilmeynayay ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Joseph Ole Lenku.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya