4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2013
Aabe Afar Caruur ah oo uu Dhalay xalay ku Dillay Deegaanka Gal-xamur oo ka mid ah Deegaannada Gobolka Hiiraan

Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Dhacdo naxdin ku noqotay bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan ayeey aheyd kadib markii Aabe lagu magacaabo Cumar Shire habeenimadii xalay uu ku gowracay afar caruur ah oo uu dhalay dhamaantoodna ahaa wiilal deegaannka lagu magacaabo Galxamur oo ka tirsan gobollka Hiiraan.

Aabaha falkan ku kacay oo hadda ku xiran saldhiga booliiska magaalada Beledweyne ayaa markiisii hore ka yimid dalka Canada oo sida wararku sheegayaan isaga iyo caruurta uu dillayba ay ka soo guureen, waxaana maalmihii ugu danbeeyay uu ku sugnaa deegaannka Galxamur.

Qof ka tirsan eheladiisa ayaa HOL u sheegay in xalay uu kala baxay gurigii ay ku sugnaayeen afarta caruurta ah oo kan ugu weyn da'diisa lagu sheegay Sideed sano jir,  kadibna ku wada gowracay meel aan wax badan ka fogeyn hoygii ay ku noolaayeen.

“Saakay ayaa la arkay isaga oo magaalada dhax jooga, kadibna waxaa uu war naga soo gaaray deegaannkii uu caruurta ku soo dillay,intaa kadibna saldhiga booliiska lagu xirray,'' sidaa waxaa inoo sheegay qof ay ehelo ahaayeen Cumar Shire.

“Ninkan isaga iyo caruurtaba in mudo ah waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Beledweyne, dhawaan ayuu halkaa tagay [Galxamur] sababta uu u tagayna waxaa ay aheyd in ay ku soo hawo badashaan, caruurtana ay halkaa Qur'aanka ugu bartaan, dabcan masiibadan ayaa dhacday,'' ayuu intaa raaciyay qof ka tirsan eheladiisa ee la hadllay HOL.

Mar aynu wax ka weydiinay waxa uu dalka caruurta u adeegsaday ayuu yiri'' Mindi ayuu ku dillay, dabcan waa uu gowracay afartaba''

Taliyaha qeybta booliiska maamulka gobolka Col Isaaq Cali C/dulle oo aan ku booqanay saldhiga ayaa inoo xaqiijiyay in uu xiran yahay shaqsiga falka ku kacay, isaga oo intaa ku darray in baaritaan kadib sharciga horkeeni doonaan.

“Haa, ninkaa waa uu xeran yahay waxaana naloo sheegay in uu asalkiisa ku yimid dalka Canada caruurtana uu halkaa ka keenay, dabcan waxaa filayaa in uu maskax ahaan u xanuusanayo, laakiin baaritan ayaa inoo socda, marka aan baaritaanka soo dhameysano kadib ayaa wixii macluumaad ah soo bandhigi doonaa,,'' ayuu yiri taliyaha booliiska maamulka gobollka.

Qof ku sugan deegaannka Galxamur oo sidoo kale aan la hadalnay ayaa u xaqiijiyay HOL in falkaasi dhacay, islamarkaana afarta caruur ahba uu dillay abaha dhalay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in uu Aabahan dilo mar kaliya afar caruur ah oo uu dhalay.

Hiiraan Online