4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM oo Howlgallo dad badan lagu soo qabqabtay ka sameeyay Degmada Huriwaa


Talaado, Oktoobar 01, 2013 (HOL) — Howlgallo lagu soo qabqbatay dad fara badan ayay xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Xaafadaha baaritaannada laga sameeyay ayaa waxay kala ahaayeen suuqa xoolaha iyo SOS, iyadoo dadka lagu soo qabqbatay ay ahaayeen dhallinyaro looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

“Waxaa howgallada lagu soo qabqabtay boqol ruux, kuwaasoo intooda badan looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, qaarkood baaritaanno ayaa ku socda kuwo kalena waa lasii daayay,” ayuu yiri sarkaal ka mid ahaa kuwii hoggaaminayay howlgalkii xalay.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha baaritaanada laga sameeyay ayaa iyana sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal ay galayeen guryo ku yaalla xaafadahaas ayna kala soo baxeen dhallinyaro ku sugnaa.

“Ma garan karno sababta dhallinyaradan iyo guryaha bartilmaameedka looga dhigtay, balse baaritaanka wuxuu ahaa mid xooggan oo ciidamadu ay kusoo galeen xaafadaheenna, dhallinyaro badan oo aan aqaan iyo kuwo kale ayay ciidamadu qabqbateen,” ayuu yiri Cumar Ismaaciil oo ka mid dadka ku nool xaafadda SOS ee degmada Huriwaa oo warbaahinta la hadlay.

Sarkaalkiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in baaritaankan uu ka dhashay kaddib markii ciidammo ka tirsan AMISOM shalay lagu weeraray qarax miino iyagoo marayay inta u dhexeysa isgoyska ex-koontarool Balcad iyo isgoyska SOS ee degmada Huriwaa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howgallo ka sameeyaan Muqdisho xilli habeen ah, iyagoo dhowr jeer oo hore baaritaanno ka sameeyay degmooyinka Muqdisho xilliyo habeen ah oo ay dadku hurdeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya