4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
SALAAD MAXAMED CISMAAN: “Dhammaan Qodobbadii Looga Hadlay Shirka Jubbooyinka si Wanaagsan ayaa la isugu af-gartay”

Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Salaad Maxamed Cismaan oo ka mid ah ergada ka qaybgalaya shirka Jubbooyinka ee Muqdisho ka socda ayaa u sheegay HOL in dhammaan qodobbadii shirka looga hadlay saddexdii casho ee uu socday si wanaagsan la isugu afgartay.

Sidoo kale, Salaad wuxuu sheegay in qodobbada lagu heshiiyay ay ka mid yihiin in dhammaan dadkii ka barakacay Kismaayo xilliyadii ay dagaalladu socdeen ay dib ugu soo laabtaan magaalada.

“Qodobbadii lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in in colaadihii iyo dagaalladii ka dhacay gobollada Jubbooyinka xalay dhalay laga noqdo; isla markaana laga wada-shaqeeyo nabadda. In dadkii ka dadkii u barakacay colaaddii ka dhacday Kismaayo ay dib u soo laabtaan,” ayuu yiri Salaad oo wareysi gaar ah siiyay HOL.

Salaad ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in qodobbada kale ee ergooyinka ka qaybgalay shirka ay isla garteen ay tahay in ciidamada duleedka magaalada Kismaayo ku sugan dib loosoo celiyo kuwii tababaranna lagu daro ciidanka maamulka kuwii aan tababar lahaynna tababar loo furo.

“Waxaa kaloo lagu heshiiyay in shirka qaybtiisa labaad oo Kismaayo ka dhici doona ay ka qaybgalaan dhammaan dhinacyadii siyaasadda Jubbooyinka isaga soo horjeeday,” ayuu Salaad hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, wuxuu sheeagy in gellinka dambe ee maanta la qaban doono xaflad weyn oo lagu soo gabagabeynayo shirka, isagoo xusay in xubnaha ka soo qaybgeli doona xafladda xirtaanka wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo loo qabto shacabka ku nool gobollada Jubbooyinka, kuwaasoo ay soo mareen colaado fara badan oo dhiig badan uu ku daatay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya