4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Hal qof oo ku Geeriyooday Magaalada Burco Kaddib markii Gaadhi uu watay ay si lama filaan ah Miino ula Qaraxday (SAWIRRO)


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday shalay magaalada Burco kaddib markii uu gaari uu watay miino kula qaraxday xaafada Oktoobar ee magaalada Burco ee Somaliland.

Gaarigan ay miinadu la qaraxday ayaa la sheegay inay lahayd shirkada Laydhka ee Beder ee magaaladda Burco,waxaana ku geeriyooday dirawalkii gaadhigaasi waday oo la odhan jiray Mustafe Yuusuf Miro.

Lama sheegin wax khasaare oo kale oo qaraxaasi ka dhashay marka laga reebo halka qof ee dhintay iyo khasaaraha soo gaadhay gaadhigaasi oo gabi ahaanba burburay, waxaana la sheegayaa inay ciidanka Miino baadhistu baadhayaan goobtaasi qaraxu ka dhacay.

Goobtan qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inay ahayd goob aad loo isticmaali jiray, isl markaana la mari jiray, inkastoo hore loo sheegay inay sidan oo kale qarax uga dhacay, waxaase loo malaynayaa inay qaraxani ahayd miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaas oo la dhigay wakhtiyadii dagaaladu ka socdeen magaaladda .

Geesta kalena Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarji), Taliyaha Qaybta Booliska C/raxmaan Axmed Ilkacase, Maayar ku xigeenka  Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) Xooghayaha Fulinta Ee Dawlada Hoose Cismaan Maxamed sheikh Cismaan iyo xubno kamid ah xildhibaanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco Oo goobtani gaadhay ayaa tacsi u diray Qoyskii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay iyo guud ahaan shacabka Togdheer.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland