4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Madaxweynaha dalka Kenya oo walaac ka muujiyay Weerarada ay Xoogaga Al-shabaab ka Geysanayaan Gudaha Kenya

Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya ayaa walaac xooggan ka muujiyay dilalka ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha dalkiisa ugu geysanayana dadka Kenyanka ah, isagoo sheegay in dowladdiisu ay qaadi doonto taallaabooyin ay dadkeeda ku difaacayso.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Kenya ka sheegay shirkii Midowga Afrika eek ka dhacay Addis Ababa, isagoo xusay in mas’uuliyaddiisa koowaad ay tahay inuu difaaco nolosha iyo hantida dadka Kenyanka ah, si ay u helaan nabad-galyo ay howl-maalmeedkooda ku qabsadaan.

“Dowladda Kenya waxay diyaar u tahay inay ka qaybqaataan xaslinta iyo nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya iyo geeska Afrika oo dhan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo la hadlayay madaxii Midowga Afirka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad iska saarto sidii kooxaha dhibaatooyinka geysanaya aysan dalkooda uga soo bixi lahayd, sida ay dowladda Kenya uga qaybqadato xoojinta amniga iyo nabadda Soomaaliya.

“Nabadda iyo deggenaashaha Soomaaliya ma ahan mid dan u ah Soomaalida oo keliya, balse waa mid ay dani ugu jirto dadka Kenya iyo kuwa Geeska Afrika ku nool oo dhan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Kenyatta ayaa sheegay in go’aanka Kenya ee ay ku caawinayso Soomaaliya uu salka ku hayo waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo midka ururka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dalalka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkii Midowga Afrika ka sheegay in ciidamad Kenya ay u dhaqmeen si ka duwan sida uu yahay qorshe-howleedka ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM oo ay Kenya qayb ka tahay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in dalkiisa ay go’an tahay inay gacan ka geysato nabadda iyo xasilinta Soomaaliya oo dan ay ugu jirto dalalka geeska Afrika oo dhan.

Maalmo ka hor ayay xoogag taabacsan Al-shabaab waxay weerareen saldigyo ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanno ku dhow xuduudda ay wadaagaan labada dal, kaasoo ay ku dileen shan qof oo ay ku jireen lab aka mid ah saraakiisha booliiska Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya