Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.
Wafdigan imaatinkiisa Soomaaliya waxa lagu go’aamiyay shirkii bishan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana ujeeddadoodu tahay sidii ay warbixin uga diyaarin lahaayeen arrimaha gobollada Jubbooyinka.
Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Inj. Maxbuub Macalim oo wafdiggan hogaaminayay ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalk ay ku yimaadeen Muqdisho.
“Sidaan la socono Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay ururka IGAD, waxaana loo asaasay ururkan arrimaha horumarka dalalka ku yaalla bariga Afrika, imaatinkeenna Soomaaliya wuxuu jawaab u yahay dalabkii madaxweynayaasha IGAD ee shirkoodii aan caadiga ahayn ee ay ku yeesheen magaalda Adis-Ababa horaanta bishaan. Illaa iyo intii aan soo gaarnay Muqdisho waxaan kulammo la yeelanay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaase muhiimad gaar ah noo leh kulankan aan la qaadanayno ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xubnaha ka tirsan golihiisa wasiirrada," ayuu yiri Inj. Maxbuub.
Wasiirka warfaafinta oo qayb ka ahaa kulankii maanta ayaa sheegay in dowladdu ay u gudbisay guddigan mowqifkeeda ku aaddan xasilinta dalka iyo maamul u samaynta gobollada, dowladduna ku salaynayso qorshaheeda war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii 21-aad ee ay isugu yimaadeen madaxweynayaasha urur-gobleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adis-Abab saddexdii bishan May.
Ugu dambayn, shirka ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo xubnaha ka socday ururka IGAD ay sheegeen inay markasta diyaar u yihiin inay tixgelinayaa dastuurka dalka ayna ilaalinayaan midnimada Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi ballaaran oo ka socda Urur Goboleedka IGAD
More News
- Hay'adda HIRDA oo Magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ugu Dabbaal-dagaysa Sannad-guurad 15-aad ee kasoo wareegtay Aasaaskeeda
- Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia iyo Xoogag Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool
- Jaamacadaha SIMAD oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo dhaweynayo Iskaashi ay la yeelatay Jaamacad ku taala Malaysiya
- Hay'adda CCD oo Magaalada Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhallinta Soomaaliyeed ee 15-ka Bishan May
- Maamulka Khaatumo oo soo dhaweeyay dhismaha Maamulka Jubaland ee looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo
- Somaliland oo si weyn loogu diyaar garoobay dabaal-degga 18-ka May iyo Dadweynaha oo iibsanaya Astaamaha Calanka
- Sh. Maxamuud Geelle: “Waxaan Rumeysanahay in Dunida Islaamku ay mid noqonayso, Anigu Somaliland iyo Somalia waan ka shisheeyaa”
- Urur-Siyaasadeedka MIDNIMO oo ka digey in Deegaannada Puntland ay ka billowdaan Qalalaase Siyaasadeed