3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2013
Sh. Maxamuud Geelle: “Waxaan Rumeysanahay in Dunida Islaamku ay mid noqonayso, Anigu Somaliland iyo Somalia waan ka shisheeyaa”
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo dhawr bilood ka hor dhaliil usoo jeediyey laba wasiir oo xukuumadda Somaliland ka Tirsan darteed xukun loogu riday , ayaa sheegay in aanu illaa hadda garanayn sababta loo xidhay iyo waxa uu ku mutaystay xadhiga hal sanno ah oo maxkamadda Hargeysa ku xukuntay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in si cadaawadaysan loola dhaqmay, isla markaana markii uu codsaday in garsooraha kiiskiisa gacanta ku hayo aanu gartiisa galin maadaama oo uu hore suuqa uga maqlay cadaaladiisa, haseyeeshee aanay codsigayga aan la tixgalin,  sidaa darteed qaabka loo xidhay iyo xukunka ku dhacayba aanu xiitaa sharciga Somaliland ogoleyn.

 “sababta la ii xidhay cidi imay sheegin, laakiin aniga iyo dadkaleba waxay dareensan yihiin inay xadhigu ka dambeeyey waraysi toos ahaa oo ka baxay telefishanka Somaliland space oo aan sidii ilaahay igu ogaa wax ugu sheegay, waxa wax layga waydiiyey Alshaab ana waxaan ka ogahay ayaan uga jawaabay, marka nimankan ku qadhaabta Al-shabaab ayaanu la dagaalamaynaa oo raba dhibaatooyin badan oo ay dadka ku hayaaan ku maran habaabiyaan, ayaa aad uga cadhooday oo aan isleeyahay in xadhigayga ka dambeeyey in waraysigaas tv-ga aan la yeeshay”ayuu yidhi Sheekh Geelle oo ka hadlayey xadhigiisa waxaanu intaas ku daray “ way jirtay in la yidhi wasiiro ayaad aflagaadaysay laakiin afgalaado may ahayn ee waxay ahayd nasteexo aan u sheegayey nimankaasi  aan laha waar ka dayaa dadka iyo dalkaba waxay ku wanaagsan yihiin in loo dabacsanaado bulshada, oo hadalo is dhaafdhaaf ah ha ku hadlina”

 “ Inta badan saldhiga dhexe ayey I geeyeen, waana meel aad u xun oo aan qof bani’aadam ah lagu xidhi karin, waa meel aan odhan karo meel gaalo uun wax ku xidhi karto oo aan qof muslim ah lagu xidhi Karin, waa meel cid walba la iska keenayo kii khamriga cabayey kii tuuga ahaa iyo mid walba, ana waxaan ahaa nin iska xunuunsanayey oo macaan iyo cuduro kalaba leh,waa meel nolol adag leh oo aan saddex bilood ku xidhnaa”ayuu sharaxaad kooban ka siiyey halkii lagu hayey.

“ waxa la igu eedeeyey qaran dumis, marka xeerarkii qaran dumis ah ayaa la igu xukumay, qodobkaasi waxay ka hadlayeen qofkasta oo dalka dibadiisa joogo oo been iyo borobogaandho ka sheega dalka Somaliland ayuu qododkaasi qabanayey, Ana dalkii iyo caasimadii ayaan joogaa beena maan sheegin wax wasiirada iyo umadda u dan ah ayaan sheegay, marka runtii niman si gaar ah ii cadaawadaynayey ayey u muuqdeen”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey qodobka lagu eedeeyey ee lagu xukumay, waxanu intaas ku daray “runtii garsoore aan xantiisa suuqa ka maqlayey ayuu ahaa waxaan idhi ninkaasi waan durayaaye yaan gartayda loo dhiibin,  sida ay sharcigu ku qorteen hadii garsooraha la duro oo eedeesanuhu duro waa laga bedelaa, laakiin ma bedelin ee kii laftiisa ayaa I xukumay”

Haseyeeshee maxkamadii racfaanka ayaa xukunkii ka fududaysay, waxanay ka tuurtay afar bilood, waxaanay ku xukuntay sideed bilood, ka dibna laga jaray sadex bilood oo u xidhnaa shantii hadhayna wuxuu sheegay inuu iibsaday.

Mar wax laga waydiiyey madax banaanidda Somaliland waxa uu ka aaminsan yahay waxa uu yidhi “Horta marna maan diidin Somaliland marna afkayga lagama hayo Somaliland ma jirto, anigu muslim baan ahay oo mabda’ muslim  islaamku xad ma leh waxaan aaminsanahay inay dunida  islaamku mid noqoto oo anigu Somaliland iyo Soomaaliya waan ka shisheeyaa oo Islaam wayne ayaan rabaa oo diinta waxay I fartay baan aaminsanahay”

Sidoo kale sheikh Geelle waxa uu madaxweynaha ugu baaqay inuu dalka ka hirgaliyo shareecada islaamka “Axmed Maxamed Siilaanyo waxaan leeyahay ilaahay baan kugu dhariyee ilaahay ka cabso oo shareecadda dalka ku xukun,taas uun baad aakhrina wax ku noqonaysa,ifkana wax ku ahaanaysaa”

“ ummadda waxaan leeyahay ha noqonina salaan guri lagu fuulo oo kii yimaadaa maalmo uu samaystay idinku mashquuliyo, shalaybay 21 kii Octobar nagu weerrin jireen oo haweenka la soo saari jiray, marka aanu nidhaahno waar octobarka naga daaya oo ilaahay ka cabsadda kuwo maanta xukuumadan ugu digdigta badan qaarkood ayaa ahaa kuwii dabada nag laadi jiray anagoo arday ah marka aanu amar diidno samayno oo aanu nidhaahno waxaanu ilaahay ogolayn ma ogolin”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey in la loo dabaaldego maalin aan Ciid islaam ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, wadaadkan ayaa todobaadkan gudihiisa la siidayey ka dib markii sadex bilood uu xidhnaam, isla markaan maxkamadu ku xukuntay hal sano oo xadhig ah, haseyeeshee maxkamadii racfaanka ayaa dambigii ka fududaysay kuna soo koobtay sideed bilood oo xadhig ah, waxaanu sheegay in aanu inta noloshiisa ka hadhsan joojineen halganka uu ugu jiro kor u qaadadi shareecadda islaamka.

Wadaadkan ayaa wakhtigi ururada la furay samaystay xisbi la yidhaa xisbullah, haseyeeshee aanu isdiiwaangelin, waxaase doorkan lagu xidhay ka dib markii uu eeddo usoojeediyey laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland











Click here
5/17/2013 10:45 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Hay'adda HIRDA oo ka mid ah hay'adaha ugu waaweyn ee ka howlgala Soomaaliya ayaa howlo samafal ah ka fulisay gobollada Hiiraan, Galgaduud, Gedo iyo gobollo kale ku yaalla Soomaaliya.

5/17/2013 10:25 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.

5/17/2013 9:14 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab xalay saqdii dhexe ku dhex-maray xalay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

5/17/2013 8:50 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Munaasabad aad u ballaaraan oo lagu soo dhaweynayay arday baran doonto waxbarashada sare ee Master ayaa jaamacada SIMAD waxay maanta ku qabatay Hoteelka Sunrise ee magaalada Muqdisho.

5/17/2013 8:38 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay 70-guuradii ka soo wareegatay aas aaska dhalinyaradii halgamayaasha SYL ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ururada Dhalinyarada degmooyinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka.

5/17/2013 7:52 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) ayaa taageero ballaaran u muujiyey maamulka Jubaland oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

5/17/2013 7:36 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Guud ahaan Somaliland waxa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18 May oo sanad walba gudaha iyo dibadda si balaadhan looga xuso, isla markaana ku beegan maalinta barito ah ee Sabtidda.

5/17/2013 7:23 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Urur-siyaasadeedka MIDNIMO oo kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay go'aankiisa ugu danbeeya ee ku aadan doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado in dhamaadka bisha soo socota ee Juun ay ka qabsoonto deegaanada Puntland.