4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2013
Maamulka Khaatumo oo soo dhaweeyay dhismaha Maamulka Jubaland ee looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) ayaa taageero ballaaran u muujiyey maamulka Jubaland oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Indhasheel oo isagoo ku sugan magaalada Taleex ee gobolka Sool wuxuu sheegay in maamulka Jubaland ee uu madaxda ka noqday Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) uuna isaga iyo maamulkiisuba u arkaan doorasho xaq ku dhacday.

Maxaweyne ku xigeenka wuxuu u soo jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya inay raacdo dastuurka isla markaana ay la shaqayso oo ay soo dhaweyso maamullada dadkoodu dhisanayaan oo uu u dambeeyo maamulka Jubaland.

Shacabka ku dhaqan deegaannada Gobolka Sool iyo deegaanka Cayn ee Buuhoodle ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan maamul goboleedka ka dhashay deegaannada Jubbooyinka ee loogu waqlalay Jubaland.

Dhanca kale, walaac weyn ayaa ka taagan degmooyinka Laascaanood iyo Xudun oo dhammaantood gobolka Sool ka tirsan kaddib markay soo dhawaatay maalinta maamulka Somaliland u astaysteen inay ka go'een Somalia inteed kale, taasoo guud ahaan gobolka Sool maalin ku lid ah ay 2005-tii maalinta nadaafadda ay astaan uga dhigteen.

Sannadihii ugu dambeeyey waxaa magaalada Laascaanood isku hsrdiyi jirsy ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo shacabka oo wata agabka nadaafadda taasoo inta badan sababi jirtay dhimasho iyo dhaawac.

Lama garanayo maalita beri ah sida ay wax u dhici doonaan iyadoo magaalada Laascaanood lagu arkayo dad hawshaas wax iska weydiinay, qaar ka walaacsan, qaar u diyaar garoobaya maalinta ay aaminsan yihiin iyo qaar kale.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool