3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2013
Jaamacadaha SIMAD oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo dhaweynayo Iskaashi ay la yeelatay Jaamacad ku taala Malaysiya

Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Munaasabad aad u ballaaraan oo lagu soo dhaweynayay arday baran doonto waxbarashada sare ee Master ayaa jaamacada SIMAD waxay maanta ku qabatay Hoteelka Sunrise ee magaalada Muqdisho.

Xafladdan oo ay kasoo qayb-galeen mas'uuliyiin jaamacadda SIMAD  ugu sarreysa iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay iyo ardayda ay u billaabanaysa waxbarshada sare iyo bahda saxaafadda.

Munaasabadda ayaa waxay ahayd mid lagu soo dhaweynnayay arday hadda billaabaysa dufcaddii afaraad ee baraneysa Master of Business  Administration ( MBA)  iyo dufcaddii koowaad oo baran doonto  Master of Project Management Degree (MPM).

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadalay madaxa daraasaadka sare ee jaamacada SIMAD, Inj. Maxamuud Maxamed Calasoow isagoo ardayda kala hadlay waxyaabaha laga doonayo iyo shuruudaha ay wax ku baran doonaan wuxuuna ardayday kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan sii wadista waxbarashadan sare.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda SIMAD dhinaca hormarinta, Dahir Xasan Cabdi (Carab) oo isna ardayda u jeediyay guubaabo ku aaddan sida la doonayo in ay wax u bartaan, wuxuuna kula dardaarmay inay xoogga saaraan waxbarshada iminka ay galayaan oo noloshooda muhiim u ah.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda soo xiray guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo dardaaran gaar ah siiyay ardayda wuxuuna u sheegay inay dhawraan shuruucda ku aaddan waxbarashada jaamacadda SIMAD, sidoo kale guddoomiyaha jaamacadda SIMAD ayaa u mahadceliyay jaamacadda Open University Maleysia oo ay barnaamijkaan waxbarsheedka iska kaaashanayaan.

Gabagabadii xafladda ayaa qaarka tirsan ardayda baran doonto qeybahaan Master of Business Administration ( MBA) iyo Master of Project Management Degree (MPM) waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in iminka ay u gudbaan qaybihii ugu dambeysay ee jaamacadda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/17/2013 10:45 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Hay'adda HIRDA oo ka mid ah hay'adaha ugu waaweyn ee ka howlgala Soomaaliya ayaa howlo samafal ah ka fulisay gobollada Hiiraan, Galgaduud, Gedo iyo gobollo kale ku yaalla Soomaaliya.

5/17/2013 10:25 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.

5/17/2013 9:14 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab xalay saqdii dhexe ku dhex-maray xalay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

5/17/2013 8:38 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay 70-guuradii ka soo wareegatay aas aaska dhalinyaradii halgamayaasha SYL ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ururada Dhalinyarada degmooyinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka.

5/17/2013 7:52 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) ayaa taageero ballaaran u muujiyey maamulka Jubaland oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

5/17/2013 7:36 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Guud ahaan Somaliland waxa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18 May oo sanad walba gudaha iyo dibadda si balaadhan looga xuso, isla markaana ku beegan maalinta barito ah ee Sabtidda.

5/17/2013 7:28 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo dhawr bilood ka hor dhaliil usoo jeediyey laba wasiir oo xukuumadda Somaliland ka Tirsan darteed xukun loogu riday , ayaa sheegay in aanu illaa hadda garanayn sababta loo xidhay iyo waxa uu ku mutaystay xadhiga hal sanno ah oo maxkamadda Hargeysa ku xukuntay.

5/17/2013 7:23 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Urur-siyaasadeedka MIDNIMO oo kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay go'aankiisa ugu danbeeya ee ku aadan doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado in dhamaadka bisha soo socota ee Juun ay ka qabsoonto deegaanada Puntland.