4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka oo Muqdsiho kula kulmay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland Iyo Galmudug (SAWIRRO)


Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Ugu horreyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubnahan uga mahad-celiyey sida ay ugu jawaabeen marti qaad uu u fidiyay, isagoo labada mas’uul ka dhageystay sida ay howlahooda u socdaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, C/rashiid Maxamed Xirsi oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay u socdaan shaqooyinka baarlamaanka Puntland, wuxuuna xusay in howlaha baarlamaanka Puntland ay yihiin kuwo u socda si wanaagsan, isagoo tilmaamay inay aad ula dhacsan yihiin sida uu u shaqeynayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Xasan Maxamed Hey oo isaguna dhankiisa hadlay ayaa ka warbixiyay sida uu xiligan u shaqeeyo baarlamaanka Galmudug isagoo xusay inay dhawaan doorteen madaxweyne cusub, wuxuuna soo dhaweeyay howlaha baarlamaanka Soomaaliya sida ay xilligan u socdaan.

Labada mas’uul iyo xildhibaanno la socda ayaa shalay soo gaaray Muqdisho iyagoo u yimid sidii ay uga qaybgeli lahaayeen xiritaanka kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalinta berri ah lasoo xirayo.

Wafdigan ka socda Puntland iyo Galmudug ayaa waxay caawa casho sharaf la qaadan doonaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu ka soo qaybgeli doonaan casho-sharaftaas madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’isul wasaarihiisa, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Socdaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamullada Puntland iyo Galmudug ku yimaadaan Muqdisho si ay uga qaybqaataan xiritaanka kal-fadhiga baarlamaanka guud ee Soomaaliya ayna u ogaadaan habka uu u shaqeeyo.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya