Sabti, June 29, 2013 (HOL) - 4 qof ayaa ku dhimatay 5 kalana waa ku dhaawacmeen dagaallo horleh oo ka dhacay tuulooyin ku teedsan magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Soomaalida Kenya.
Waxaana weerarkan qaaday sida uu qoray wargeyska The Standard dabley hubaysan oo kamid ah labada qabiil ee uu dagaalku ku dhexmarayo deegaano ka tirsan magaalooyinka Mandheera iyo Wajeer.
Waxayna kooxaha weerarka gaystay galeen tuulada Shirshir habaynkii jimcihii halkaasoo ay ku dileen 4 qof shan kalana ku dhaawaceen.
Qabaa'ilka Garre iyo Degoodiga oo kamid ah qabaa'ilada waawayn ee dega gobolka waqooyi bari ee Soomaalida Kenya ayaa maleeshooyooyinkoodu ay is waydaarsanayeen weeraro aargoosi ah oo inta badan lagu bartilmaameedsanayay dad rayid ah, iyadoo maalmihii u dambeeyay weeraro dhacay lagu laayay haween iyo caruur sida ay sheegeen qaar kamid ah hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.
Waxaana dirirta labada qabiil ay salka ku haysaa markii dhammaan jagooyinkii lagu tartamayay ee doorashooyinkii dalka ay ku wada guulaysteen qabiilka Garraha, taasoo ka caraysiisay qabiilka Degoodiga oo markii hore jagooyin ka heli jiray deegaano ka tirsan Mandheera.
Inkastoo ay socdaan waanwaan ay wadaan duqayda gobolka iyo siyiisiyiinta waddanka Kenya ayaa haddana weeraradan cusub ay soo nooleeyeen walaaca laga qabo in dagaalladani ay sii socdaan.
Waxaana moodaa in labada dhinac ay iska dhaga tireen digniintii uu jeediyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku hanjabay inuu awood isticmaali doono hadii aan dagaalka la joojin hubka sharci darrada ahna aan dawlada loo soo gacan galin.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Dad ku dhintay weeraro ka dhacay deegaamo ku teedsan Mandheera oo ay qaadeem maleeshiyo beeleed
More News
- Guddoomiyaha Baarlamanka oo Muqdsiho kula kulmay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland Iyo Galmudug (SAWIRRO)
- Diyaaraddii sidday Xasan Daahir Aweys oo ka dagtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho
- AFHAYEENKA AMISOM: “Dagaalka Kismaayo waxaa Mas’uuliyadiisa iska leh dowaldda, innagu dhexdhexaad ayaan ka nahay”
- Dagaalkii Kismaayo oo Qaboobay iyo Abaabullo Dagaal oo ka socda gudaha Magaaladaas oo weli la isku hor-fadhiyo
- DUUR: “Shalay Waxaa i saarnayd Mas’uuliyadda Amniga, Maanta Waxaan u daba-fadhiyaa Wasiirka cusub ee la magacaabay”
- Sarkaal ka Tirsan Safaarada Britain ee Somalia oo Maanta Booqday Xeryaha Ciidamada Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)
- Taageerayaasha Ururka Horseed oo Isku soo baxyo Waaweyn ka sameeyay Maanta Magaalooyinka Puntland (SAWIRRO)
- Mucaaradka Maamulka Puntland oo ku eedeeyay Ururka Horseed in Hantida Puntland uu u Isticmaalayo ololihiisa Doorashada
- MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Waxaan Mar kale ku baaqayaa in si dhaqso ah lagu joojiyo dagaalka ka socda Kismaayo”
- Madaxweynaha Somalia oo Xildhibaannada Baarlamaanka Weydiistay in ay bil ka mid ah bilahooda fasaxa sii shaqeeyaan
- Maxkamad ku Taalla Kenya oo Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Kenya Ruto ku xukuntay inuu banneeyo dhul la isku haystay
- Dagaalladii Magaalada Kismaayo oo sii Xoogeystay iyo khasaare fara badan oo kasoo gaaray dadka ku nool Magaaladaas
- Xukuumadda Somalia iyo UNSOM oo dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ugu baaqday inay dagaalka Joojiyaan
- Ciidamada AMISOM oo Qarax Miino lagula eegtay ee Baydhabo iyo Dagaallo ka socda Deegaanka Buur-Eyle ee Gobolka Bay
- Dagaalkii Magaalada Kismaayo oo Dib u Qarxay iyo Madaafiic Culus oo laga maqlayo gudaha Xaafadaha Magaaladaas
- Xukuumadda Soomaaliya oo Qorsheynaysa inay Sheekh Axmed Madoobe la heshiiso si Xiisadda Kismaayo loo dajiyo
- Sheekh Xasan Daahir oo Ogolaaday in Xildhibaannada iyo Xubnihii Dhawaan gaaray Cadaado uu u raaco Muqdisho