4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo Qorsheynaysa inay Sheekh Axmed Madoobe la heshiiso si Xiisadda Kismaayo loo dajiyo

Somalia may accept leader of the Ras Kamboni in portcity
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay Sheekh Axmed Madoobe heshiis kula gasho inuu guddoomiye ka noqdao magaalada Kismaayo si xal loogu helo xiisadaha ka taagan degmadaas oo sababay gacan ka hadal.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa siyaasiyiin reer galbeed ah iyo kuwo kasoo jeeda gobolka ayaa waxay sheegtay in qorshahan uu yahay mid ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay xiisadaha jira meesha kaga saarto.

“Xukuumadda Soomaaliya waxaa laga yabaa inay heshiis la gasho Sheekh Axmed Madoobe,” ayay Reuters kasoo xigatay saraakiil shisheeye ah oo ku dhow dowladda federaalka Soomaaliya.

Kismaayo ayaa waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday dagaallo u dhexeeya taageerayaasha, Sheekh Axmed Madoobe iyo xubnaha kale ee kula muransan hoggaaminta maamulka Jubbaland.

Dagaallada Kismaayo ayaa lagu dilay tiro badan oo shacab ah, iyadoo sidoo kale lagu dilay dagaalkaas ciidamadii dagaalku u dhexeeyay, isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa la dhigay dhaawacyo fara badan oo ka dhashay dagaalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Inj Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo isna la hadlay Reuters ayaa sheegay in dowladdu ay doonayso inay heshiis la gasho Sheekh Axmed Madoobe, balse aysan go’aansan xilka uu qaban doono.

Siyaasiyiinta kale ayaa qaba in dowladda Soomaaliya ay ku qasban tahay inay la heshiisyo hoggaamiyaha Raaskambooni, si ay xal ugu hesho dhibka ka aloosan Jubbooyinka oo ka mid ah deegaannadii laga qabsaday Al-shabaab.

Inkastoo Sheekh Axmed Madoobe uusan arrintan ka hadlin, haddana waa mas’uul inta badan ku adkeysanaya inuu yahay madaxweyanha maamulka Jubaland ee bishii hore looga dhawaqay Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya