4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Xukuumadda Somalia iyo UNSOM oo dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ugu baaqday inay dagaalka Joojiyaan

Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya iyo xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo inay si dhaqso ah ku joojiyaan dagaalka dhiiggu uu ku daadanayo ayna nabad iyo wadahadal ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.

Afhayeenka xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C/weli oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay aad uga xun tahay dagaallada ka socda Kismaayo ayna dhinacyada uu u dhexeeyo ugu baaqayo inay dagaalka joojiyaan.

“Dowladda Soomaliya waxay aad uga xun tahay in dagaallada Kismaayo ka socda ay dad rayid ah oo aan wax galabsan waxyeello kasoo gaarto, marar badan ayayna dowladdu codsatay in dagaallada la joojiyo oo xilligan aysan ahayn xilli loo baahan yahay in dhiigga shacabka uu sii daato, 22-sano ayay dagaallo ka socdeen dalka, waxaana la gaaray xilligii wax lagu qaybsan lahaa wax aan hub ahayn,” ayuu yiri Ridwaan, oo sheegay in dowladdu ay ku baaqayso in si dhaqso ah dagaalka lagu joojiyo.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay Alle ka baryayaan inuu intii ku dhimatay dagaalkaas u naxariisto intii ku dhaawacantayna uu caafimaad deg-deg ah siiyo, isagoo sheegay in xilligan laga gudbay dagaal oo ay dalka ka jirto dowlad rasmi ah.

“Xukuumaddu waxay dhinacyada dagaalamaya ku wargelinaysaa inaan loo dulqaadan doonin in dagaalka lasii wado oo dhiigga shacabka la daa’diyo, loona baahan yahay in dagaalka la joojiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo madaxa xafiiska UNSOM, Nicholas Kay ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ugu baaqay inay dagaalka si dhaqso ah ku joojiyaan ayna wadahadal ku dhameeyaan khilaafkooda,

“Dagaalka ka dilaacay Kismaayo waa mid sii adkeynaya xaaladda Kismaayo ka jirta, maantana lama joogo xilligii awood wax lagu raadin lahaa, waxaana ku baaqaynaa in xiisadda lagu dhameeyo wadahadal iyo nabad, ayna labada dhinac ka fogaadaan wax walba oo keeni kara colaad dhibaatooyin gaarsiiya dadka shacabka ah ee magaaladaas ku nool,” ayuu yiri Kay.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in wararka ay ka helayaan Kismaayo ay sheegayaan in khasaare badan ay kasoo gaartay dagaallada socda dad shacab ah oo aan waxba galabsan, taasna aysan ahayn mid xilligan loo baahan yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya