4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Sheekh Xasan Daahir oo Ogolaaday in Xildhibaannada iyo Xubnihii Dhawaan gaaray Cadaado uu u raaco Muqdisho

Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu xildhibaannadii iyo waxgaradkii dhawaan gaaray degmda Cadaado uu u raaco Muqdisho, kaddib wadahadallo maalmo qaatay oo ku dhexmaray degmadaas.

Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa xubnihii dhawaan gaaray Cadaado ayaa sheegay in wadahadallo dheer kaddib ay isku afgarteen Sheekh Xasan Daahir inuu u raaco Muqdisho, ayna maanta filayaan inay kasoo duulaan degmada Cadaado.

“Wadahadallo badan kaddib, Sheekh Xasan Daahir wuxuu naga ogolaaday in uu noo raaco Muqdisho, waxaana rajeynaynaa in maanta aan Muqdisho tagno,” ayuu yiri Axmed Diiriye.

Mas’uuliyiinta kale ee ka mid ah wafdiga Cadaado ku sugan ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta in Sheekh Xasan iyo iyagu ay isku afgarteen inuu u soo raaco magaalada Muqdisho, balse ma sheegin go’aannada ay isla gaareen.

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno la socda ayaa waxay toddobaadkii hore kasoo goosteen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib dagaal dhexmaray taageerayaashiisa iyo kuwo kale oo ka amarqaata hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in joogitaanka Sheekh Xasan Daahir ee degmada Cadaado ay la socdaan ayna soo dhaweynayaan cid walba oo doonaysa inay dib u heshiisiinta ka qaybqaadato kana soo baxda falalka colaadaha ku dhisan.

Hoggaamiyihii Xisbul Islaam ayaa horay u dhaliilay qaar ka mid ah falalka Al-shabaab ay ku kacdo, kuwaasoo ay ka mid yihiin dagaallada joogtada ah iyo dilalka dadka shacabka ah, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo aan diinta Islaamka waafaqsanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya