4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2013
MAXAMED CABDULLAAHI: “Waxaanu Dowlad ahaan go’aan ku qaadannay in Xafiiska UNSOM aan laga furin Somaliland”


Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay ogolayn in Somaliland laga furo qaybta siyaasadda ee xafiiska cusub ee Qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan uu ergayga Qaramadda midoobay  Mr:Nicholas Kay la yeeshay xalay madaxweynaha Somaliland.

“Madaxweynaha Somaliland iyo xubno Wasiirro ah oo aan anigu ka mid ahaa waxaanu la kulanay wakiilka cusub ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Nicholas Kay, waxaanu u yimid Somaliland si aanu uga wada hadalno awooda sharci, shaqo , siyaasadeed iyo qorshe ee xafiiskiisan cusub iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland.”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlayey kulankii uu madaxweynaha la yeeshay Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramadda midoobay.

“Waxaanu markii aanu Xukuumad ahaan daraasad ku samaynay ee aanu si balaadhanna u eegnay waajibaadka shaqo ee xafiiskan cusub ee berigii hore la odhan jiray UNPOS imikana loo bixiyay UNSOM, waxaanu u arkaynay inuu iskugu jiro laba shaqo oo la isku biiriyay, midi wuxuu ahaa shaqadii Ha’yadaha jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ay wadeen ee ku wajahnaa arrimaha aadaminimo iyo horumarinta,   Qeybta labaadna waa qeyb cusub oo xagga siyaasadda ah oo gabi-geeduba ku wajahan sidii loo caawin lahaa, loona dhisi lahaa dawladda Soomaaliya ee Federaalka ah. Haddii ay tahay dib u heshiisiintoodii, kaabis lagu sameeyo dastuurkooda iyo dhisida amnigooda”ayuu yidhi mar uu sharaxayey shaqadda uu xafiiskan qaban doonno.

Wasiirku wuxuu sheegay inay xukuumad ahaan go’aansadeen inay UN-ta kala shaqeeyaan wixii xaga horumarinta iyo bani’aadanimada ku salaysan ee shacabka wax u taraya, balse qaybta siyaasadda uu ka hor imanayo qaranimadda Somaliland maadaama oo uu qodobkaasi ka hadlayo fadaraalka iyo maamul u samaynta Soomaaliya.

“Waxaanu UN-ta kala shaqeynaynaa wax allaale iyo wixii xaga horumarinta ku saabsan sida UNDP iyo Ha’yadaha kale ee UN-ka ee dalka degan gacanta ka geysta waxbarashadda, caafimaadka iyo arrimaha sharciga ah Somaliland kala shaqeeya. Waxaanu waliba dalbanay in mucaawimadaasi ay ku salaysnaado baahida iyo qorshaha Somaliland oo loo sii kordhiyo.”ayuu yidhi wasiirku, haseyeeshee wuxuu cadeeyey in xafiiska qaybtiisa siyaasadda aan laga furi Karin Somaliland maadaama  Somaliland iyo Soomaaliya laba dal kala yihiin.

“Waxaanu dawlad ahaan go’aan ku qaadanay inaan xafiiska xaga siyaasadda ee qarramadda Midoobay ee UNSOM aan laga furin Somaliland, waxaanu xafiiskaasi sii balaadhinayaa awooda dawladda federaalka Soomaaliya, waxaanu arrintani ka hor imanaysaa qaranimadda Somaliland ee madaxa banaan iyo dastuurka qarankayaga. Sidaasna waxaanu ku war-gelinay Ergayga gaarka ah ee qarramadda midoobay”ayuu yidhi , waxaanu intaas ku daray “Go’aankaasna waxaanu u qaadanay markaanu aragnay inaanu ka turjumayn baahida dalka isla markaana uu ka hor imanayo madax-banaanida iyo qaranimadda Somaliland. Wax allaale iyo wixii ka hor imanaya dastuurkayaga iyo xoriyadda Somaliland xukuumaddani ma ogola.”

Si kastaba ha ahaatee kulankan xalay ka dhacay madaxtooyadda ee Wakiilka Qaramadda midoobay ee Soomaaliya ku yimid magaaladda Hargeysa ayaa u muuqda in aan la isku afgaran waxyaalihii lagu wada hadlayey, sidoo kale wakiilka  Nicholas Kay wuu ka gaabsaday inuu warbaahinta kala hadlo waxyaalihii ay madaxweynaha ka wada hadleen.

Haseyeeshee wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland  Maxamed C/laahi Cumar ayaa isagu kulankaasi ka dib ka hadlay, waxaanu sheegay inay wax badan ka wada hadleen, isla markaana xafiiskaasi qaybtiisa siyaasadda aan laga furi Karin Somaliland.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay inay ka wada hadleen go’aankii diyaaradaha Qaramadda midoobay lagu joojiyey inay Somaliland ku yimaadaan, waxaanu xusay inay isla afgarteen in wixii mucaawimo ah ee caafimaadka iyo waxyaalaha lama huraanka ah ay ogol yihiiin inay dalka keenaan, marka ay ogolaansho ka helaan xukuuumada , laakiin aanay shaqaaluhu iman karin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland