4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2013
Madaxweynaha Somalia oo ka Qaybgalaya xafladda Dhalashada Boqoradda Britain iyo Shirka Hordhaca ah ee Dalalka G8-ka


Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa martiqaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron si uu uga qeybgalo xafladda loo sameynayo boqortooyada dalkaas ee 15-ka Juun oo ku beegan maalintii ay dhalatay iyo shirka hordhaca ee G8 ee sabtida berri isla 15-ka Juun 2013 ka furmaya London.

Xasan Sheekh ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin, wasiirka maaliyadda, Maxamud Xasan Saleebaan iyo guddoomiyaha Bankiga dhexe, Cabdisalaam Xaaji Hadliye, iyagoo isla maanta gaaraya magaalada London ee xarunta Britain.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta oo 14-ka bisha Juun ah London kula kulmaya wasiiradda horumarinta caalamka (DFID), Justine Greening MP kulankaas kaddibna uu ka qaybgalayo casho sharaf ay mas’uuliyiinta UK u sameynayaan.

Sabtida berri ah wuxuu madaxweynuhu la kulmi doonaa, David Cameron isagoo sidoo kale ka qaybgeli doona xafladda boqoradda Ingiriiska Elizabeth II, kaddibna waxaa qado sharaf u sameyn doona ra’iisul wasaare xigeenka UK, isagoo galabnimada isla berrina ka qaybgeli doona shirka hordhaca G8 oo ay madaxda caalamku kasoo qaybgali doonaan kaasoo looga hadli doono  “Transparency Revolution: the G8 Tax, Trade and Extractives Event” oo ay tahay markii ugu horreysey oo Soomaaliya lagu casuumo shirarkaas.

Tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay madaxweynaha Soomalia, Xasan Sheekh bishii Sepmbter ee sannadkii hore ayuu dhowr jeer booqday dalka Britain, isagoo kaga qaybgalay shirar caalami ah oo uu ka mid ahaa kii looga hadlayay horumarinta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya