4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
PROF. JAWAARI: “Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland waxay qayb ka yihiin Qorshaha Qaran ee dib u heshiisiinta”

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso wadahadallo walba oo nabadeed, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay kusoo biiraan qorshaha nabadeed ee dalka.

Isagoo u warramayay wakaaladda wararka Iiraan ee FNA ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya soo dhaweynayaan shirka bisha May ee sannadkan lagu qaban doono magaalada London.

“Wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland waxay ka mid yihiin qorshaha Qaran ee dib u heshiisiinta, sannadkan waa sannadkii midnimada, barwaaqada, isku-tiirsanaanta iyo walaalnimada, sidoo kale waa sannadkii is-cafinta iyo isi-saamixidda,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Isagoo intaas ku daray: “Waxaan doonaynaa inaan dhisno Soomaali mid ah, dowladda Soomaaliyana waxay soo dhaweynaysaa wadahadlalada lagu qaban doono London bisha May.”

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya iyo baarlamaankuba ay taageerayaan qorshayaasha lagu xallinayo arrinta Al-shabaab iyo sidoo kale qorshaha lagu dagaalamayo Al-Qaacidada ku sugan dalalka Afrika.

Xubnaha ururka Al-Qaacida ee ku sugan gudaha dalka ayuu sheegay inay dowladdu ugu baaqay inay hubkooda dhigaan ayna aqbalaan qorshaha nabadeed ee Qaran.

Dowladda Britain ayaa marti-gelinaysa bisha  May ee sannadkan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo ay dalalka deeqaha bixiya kasoo qayb-geli doonaan; wuxuuna daba socdaa shirkii bishii Feberaayo ee sannadkii hore lagu qabtay isla magaalada London ee xarunta Britain.

Maamulka Somaliland ayaa horay uga qayb-galay shirkii Feberaayo 2012 lagu qabtay dalka Britain, kaasoo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen inay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland yeeshaan wadahadallo ay arrimahooda siyaasadeed ku xallinayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in Somaliland ay qayb ka noqoto dowladda Soomaaliya, halka ay Somaliland oo ku dhawaaqday gooni isku-taaggeeda sannadkii 1992 ay weli doonayso inay noqoto dowlad gooni ka ah Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya