4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Xarakada Al-shabaab oo dil Toogasho ah ku xukuntay Sarkaal Faransiis ah oo ay Sannado Afduubka ku haysteen


Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go'aan kama dambeys ah ay ku gaareen in dil toogasho ah ay ku fulinayso sarkaalka Faransiiska ee Dennis Allex kaasoo gacanta ay ku hayeen saddexdii sano ee ugu dambeeyay.

Warsaxaafadedka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in maamulka Faransiiska uu ku qamaaray noloshii sarkaalkooda afduubka ku jira; isla markaana ay muujinayso in xukuumadda Farancois Holland uusan wac macno ah ugu fadhin dhiigga muwaadinkooda.

"Mujaahidiinta ayaa go'aankan gaaray kaddib saddex sano oo ay gacanta ku hayeen Dennis Allex, iyagoo dadaallo badan ku bixiyay in sii daytniisa lagu dhameeyo wadahadal, balse Faransiiska ayaa laba qaab laba-waji-leyn ah ku dhaqmayay mudadaas, sidaas daraadeed ma aysan qiyaanayn mujaahidiinta balse waxay ku qamaarayeen nolosha Allex," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay Al-shabaab soo saartay.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka Al-shabaab ayaa meesha ka saaray hadallo saraakiisha Faransiiska ay ku sheegeen in go'aanka weerarka fashilmay ay gaareen kaddib markii wadahadalkii lagu sii dayn lahaa sarkaalkooda, iyadoo lagu sheegay bayaanka in Al-shabaab iyo Faransiiska ay wadahadlladii ugu dambeeyay oo ay yeesheen uu kasoo wareegay hal toddobaad hor weerarkii Buulo-Mareer.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegay horay u sheegtay in Allex uu dhintay, balse waxaa taas diidday Al-shabaab; inkastoo Al-shabaab aysan soo bandhigin xilligan wax caddeyn ah oo muujinaya in Denis Allex uu nool yahay.

Ugu dambeyn, qoraalka Al-shabaab kasoo saartay sarkaalka Farnsiiska ah ayaan sheegin qaabka loo fulinayo xukunka dilka ah iyo waqtiga uu dhacayo, balse waxaan shaki ku jirin in sarkaalka Faransiiska ah uu la kulmi doono  ciqaabtii ay ku riday xukuumaddiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya