4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Maanta u duulay Waddanka Jabuuti

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa u kicitimay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Faroole oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay kamid yihiin: wasiirka dekedaha, gaadidka badda iyo la-dagaalanka Burcad-badeedka iyo wasiirka amniga, waxaa ujeedada socdaalkooda warbaahinta uga warbixiyey wasiirka warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir.

Wuxuuna sheegay safarka wefdigani uu salka ku hayo sidii ay dowladda iyo shacabka dalkaas ugaga tacsiyeyn lahaayeen geerida AHN gudoomiyihii hore ee Bankiga dhexe ee dalka Jabuuti oo 12-kii bishan ku geeriyoodey dalka Kenya.

"Ujeeddada socdaalka madaxweynuhu waa inuu ka qayb galo tacsida gudoomiyihii Bankiga Jabuuti oo ay walaalo ahaayeen marwada uu madaxweynuhu qabo, qof soomaaliyeed oo qaalli ah buuna ahaa" wasiirka warfaafinta Puntland ayaa yiri.

Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey in laga yaabo inta madaxweynaha iyo wefdigiisu ay dalka Jabuuti ku sugan yihiin, in ay la kulmaan madaxda sare ee dalkaas, gaar ahaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarkan ayaa noqonya kii ugu horeeyey ee uu madaxweynaha Puntland dalka dibaddiisa ugu baxo sanadka 2013, wuxuuna kusoo aadayaa xilli ay xiisad siyaasadeedi ka jirto deegaanada Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya