4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Kalluumaysatada Puntland oo ka cabanaya Maraakiibta iyo doonyaha Jiriifka, Sheegayna in wax-soosaarkii Baddu uu yaraaday (Sawiro)

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) —  Qaylo-dhaan aad u xooggan ayaa bilihii u danbeeyey kasoo yeereysey kaluumaysatada Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Bari, waxayna la xiriirtaa maraakiibta shisheeyaha ee sida aan sharciga ahayn uga kaluumaysta xeebaha Soomaaliya.

Inkasta oo aysan dowladda Puntland si dhab ah uga jawaabin cabashada kaluumaysatada, waxay hadana madaxda wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka baddu dhowr mar ku celceliyeen in arintaas sida ugu dhaqsaha badan wax looga qaban doono.

Hadaba qaar kamid ah howl-wadeenada shabakadda HOL oo safar shaqo ku tegey degmada Caluula ee gobolka Bari, - oo ah magaalo xeebeed ay bulshada ku dhaqani si toos ah khayraadka badda ugu xiran yihiin- ayaa u kuurgalay heerka ay gaarsiisan tahay saameynta uu Jiriifku (kaluumaysiga sharci darada ah) ku yeeshay wax soo saarka badda.

Waxaana u suurtagashay in ay ka waraystaan dad uu kamid yahay Cawad Bile Saleebaan oo isagu ah bad-dhac (kaluumeyste) muddo 20-sano ka badan ka shaqeynayey xeebta degmada Caluula iyo deegaanada ku dhow dhow.

Cawad Bile ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2012 uu si aad ah wax soo saarka baddu hoos ugu dhacay, kaddib markii ay adkaatay in badda kalluun badan laga soo helo.

"Waayadii hore saxiimaduhu iyaga oo aan wax badan maqneyn ayey soo buuxsan jireen, laakiin in dhoweyd wax fiican badda lagama keeno, waxaa lagu khasban yahay in ugu yaraan 30 Mile berriga laga durko, mararka qaar badda waa lagu dhaxaa" Cawad ayaa sidaas yiri.

Yaasiin Axmed oo isna qayb ka ah ganacsatada dhoofiya kalluunka nooca loo yaqaan (Aargoostada) ayaa tilmaamay in xiliyada qaar ay maraakiibta Jiriifku aad ugu soo dhowaadaan berriga.

"Habeenada qaar aad bay magaalada ugu soo dhowaadaan, waxay sitaan shabaago waaweyn iyo qalab kale oo ay godadka Aargoostadu gasho ku garaacaan si ay banaanka ugu soo baxdo, runtii dhibkoodu ma yara" ganacsade Yaasiin ayaa yiri.

Xeebta dalka Soomaaliya ayaa waxaa si sharci darro ah uga kaluumaysta maraakiib waaweyn oo nooca kaluumaysiga ah, maraakiibtaas oo intooda badan laga leeyahay dalalka Asia waxay qaar kamid ahi ogolaansho ka heystaan maamullada ka jira dalka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya