4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo Guddoomiye cusub u Magacaabay Bankiga dhexe ee Soomaaliya


Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu guddoomiyaha bankiga dhexe ee Qaranka u magacaabay, C/salaan Cumar Hadliye.

Madaxweynaha ayaa ku sheegay wareegtada in magacaabidda mas’uulkan ay ku timid soo jeedinta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo mas’uulkan la magacaabay 12/01/2013.

“Markaan garowsaday inay jirto baahi loo qabo in hay’adaha dowladda sida Bankiga dhexe loo magacaabo mas’uul aqoon iyo tayo leh, waxaan soo saaray xeer aan ku magacaabayo inuu C/salaan Cumar Hadliye noqdo guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Qaranka,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale, wareegtada waxaa lagu sheegay in guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Qaranka lagu maamuusayo laguna dhaqayo wixii ku xusan sharciga xuquuqda shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya.

Magacaabiddan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu madax-weyne Xasan Sheekh kula kulmay madaxtooyada wafdi ka socda Bankiga Adduunka, kuwaasoo uu ka dalbaday inay dowladdiisa gacan ka siiyaan sidii dib loogu dhisi lahaa dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo sannadkii 1991-kii aan ka shaqeyn bankiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo dalka ay ka jiraan bankiyo gaar loo leeyahay oo shacabka Soomaaliyeed ay lacagahooda ku kaydsadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya