4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Ururka Midowga Dhalinyarrada Gobolka Hiiraan oo soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomaiy Muddadii ay jireen (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo agaasimay islamarkaana ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka, saraakiisha ciidamada Jabuuti AMISOM, odayaasha dhaqanka iyo xubno ka kala socday qeybaha bulshada rayidka oo lagu qabtay magaalada Baladweyne aya lagu soo bandhigay waxqabadka ururka midowgga dhalinyarrada gobollka Hiiraan [Hiran Youth Development Association].

Munaasabada oo aheyd mid heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ugu horeyn waxaa ka hadllay Max’ed C/llaahi Buraale oo ah guddoomiyaha ururka midowgga dhalinyarrada gobollka Hiiraan, oo ka qeyb-galayaasha munaasabada ku sharaxay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay iyo halka uu hiigsanayo mustaqbalka dhow ururka.

“Marka hore ururku ma’aha urur siyaasi ah, laakiin waa urur ay ku bahoobeen dhalinyarro aqooyahanno ah u taagan in ay ka shaqeeyaan arrimaha bulshada, ururka midowgga dhalinyarrada gobollka Hiiraan waxaa uu qeyb ka ahaa shirkii Bishii Juun ee sanadkii ina dhaafay 2012-ka  lagu qabtay dalka Jabuuti oo looga wada hadllayay sida hay’adda UN-ku u gargaari karaan dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya iyo sidii gobollada dalka looga fulin lahaa mashaariic hormarineed,’’ ayuu yiri Max’ed C/llaahi Buraale.

Waxaa kaloo uu sheegay in ururka midowgga dhalinyarrada gobollka Hiiraan uu gacan weyn ka geystay fahaatadii dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay magaalada Baladweyne taa oo ay ku barakaceen kumanaan qoysas ah.

“Marka laga soo tago shirarka uu ka qeyb-galay ururka sidoo kale waxaa xusid mudan in uu gacan weyn oo taageero u fidiyay dadkii ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne dhowr bilood ka hor, annaga oo ku deeqnay dadka barakacayaasha ah agab kala duwan,’’ ayuu sheegay guddoomiyaha ururka midowgga dhalinyarrada.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka qaarkood oo ka hadllay goobta ayaa siweyn u soo dhaweeyay sida ay isku xilqaameen dhalinyarrada ku mideysan ururka hormarinta dhalinyarrada gobollka Hiiraan.

Col. Cismaan Dubad oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo ka mid ahaa xubnihii ka hadllay munaasabada ayaa siweyn u soo dhaweeyay waxqabadka ururka midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan iyo munaasabada quruxda badan oo ay soo agaasimeen, isaga oo sheegay in ay si dhab ah isku bar bar taagi doonaan ururka.

“Runtii waan ku mahdineynaa dhalinyarrada sida quruxda badan oo ay isku abuuleen, waxaana balan-qaadeynaa in aynu si siweyn isku bar bar taagi doono, annaga oo waliba og doorka ay dhalinyarrada qaadan karaan, dhan kasta,’’ ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Wuxuu intaas ku daray in xoogga saari doonaan sidii loo mideyn lahaa ama leysugu xiri lahaa dhalinyarrada gobollka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti si ay isaga kaashadaan barnaamijyada hormarineed.

Ugu danbeytii xubnaha ururka midowgga dhalinyarrada gobollka Hiiraan ayaa sheegay in mustaqbalka dhaw qorsheynayaan sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen barnaamijyada hormarinta nabada, iyaga oo ku tala jira qabashada kulamo lagu wacyi-galinayo qeybaha bulshada.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya