4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Shil Baabuur oo ay ku dhinteen 35 ruux oo ka dhacay Magaalada Mwingi oo ku taalla Duleedka Magaalada Nairobi


Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 35-qof ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay magaalada Mwingi oo ku taalla duleedka magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo ay ku dhaawacmeen 70 qof oo kale.

Dadkan ayaa la sheegay inay kusii jeedeen magaalooyin ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee Kenya iyaoo ka ambabaxay magaalada Nairobi. Baska ayaa la sheegay inuu rogmaday kaddib markii uu xukumi waaya darawalkii waday iyadoo wararku ay sheegayaan in gaariga si xad-dhaaf ah loo raray.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay ku dhintaan dad tiradooda intaas le’eg tahay, iyadoo siyaasi Soomaaliyeed oo Nairboi ku sugan uu u sheegay HOL in shilkan uu yahay mid aad looga naxay.

“Tirada dhimashadu way kordhi kartaa, waayo dadka dhaawacyada qaba waxaa ku jira kuwo ay xaaladoodu aad u daran tahay. Dhammaan dadkii ku dhaawacmay waxaa lagu daweynayaa isbitaallada,” ayuu yiri Samuel Kimaru oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda la socodka waddooyinka Kenya.

Saraalkan wuxuu intaas ku daray in 11-qof ay markiiba goobta ku dhinteen 24 qof oo kalena ay gadaal ka dhinteen, isagoo sheegay in shilkan uu yahay kii ugu xukumaa ee sannadkan ka dhaca dalka Kenya.

Wasiir u dowlihii hore ee wasaaradda shaqada, shaqaalaha, isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya, Prof. C/llaahi Sheekh Cali (Qoloocow), wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha, C/wahaab Macalin Maxamed, wasiirkii hore ee macdanta, biyaha, tamarta iyo batroolka, Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow, ayaa waxay tacsi u dirayaan ehellada dadkii ku dhintay shilkaas, waxayna u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay inay si dhaqso ah Alle u bogsiiyo.

Shilkan ayaa imaanaya maalmo ka hor doorashooyinka dalka Kneya oo lagu wado inay dhacdo bisha soo socda afarteeda, waxaana dadkan la sheegay in ay dhammaantood ahaayeen Soomaali u dhalatay Kenya, kuwaasoo lagu waday inay ka qaybgalaan doorashada marka ay gaaraan magaalooyinka ay kasoo jeedeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya