4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Hay’adda Bancroft iyo AMISOM oo Tababar uga furay Muqdisho qaar ka md ah Saraakiil Milateriga Soomaaliya (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Hay’adda Bancroft iyo AMISOM ayaa shalay tababar uga furay Muqdisho saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya, kaasoo socon doona muddo laba toddobaad ah.

Tababarkan ayaay saraakiisha ciidamadu ku baran doonaan xiriirka u dhexeeya ciidamada iyo shacab, xuquuqda aadanaha iyo weliba naqshadaha howgallada magaalooyinka iyo degmooyinka dalka.

Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ah taliyaha howgelinta ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlayay saraakiisha tababarka loo furay ayaa ugu baaqay inay ka faa’iideystaan tababarka si ay ugu dabaqaan howlahooda.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo munaasabadda ka hadlay ayaa isaguna sheegay in ciidamadu ay yihiin awoodda keliya ee dalku leeyahay, sidaa darteedna loo baahan yahay in loo baahan yahay inay gutaan waajibka ka saaran dalkooda.

“Waa inaad ka faa’iideystaan tababarka  la idin siinayo si aad ugu adeegtaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waayo waxaad tihiin kuwo u taagan in dadka iyo dalkaba ay ka difaacaan cadowga,” ayuu yiri Jen. Diini oo la hadlayay saraakiisha tababarka loo furay.

Tababarkan ayaa wuxuu qayb ka yahay qorshaha la doonayo in dib loogu dhiso awoodda ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo hay’adda Bancroft oo tababarkan qayb ka qaadanaysa horay loo sheegi jiray inaysan dalka ku sugnayn.

Saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in tababarkan uu noqon doono mid sii socda, lana siin doono dhammaan saraakiisha ciidamada dowladda xoogga dalka Soomaaliyeed.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya