4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Barnaamijka Tartanka Hirgeli Hammigaaga Faneed oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Talaado, February 26, 2013(HOL): Kaddib dhowr iyo labaatan sano oo colaado iyo dagaallo ay ka socdeen dalka Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan faneed la mid ah midkii Heesaha Hirgalay, kaasi oo hal-ku-dhiggiisu yahay Hirgeli Hammigaaga Faneed oo ay ka qeybgaleen fannaaniin badan oo hibo faneed leh.

 

In ka badan 1000 fannaan oo isugu jira heesaa, gabyaa, majaajiliistayaal ayaa tartankan ka qeybgalaya, kuwaasi oo laga soo xulay 16-ka degmo ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgalka tartankan soo dalbadeen tartatamayaal kale oo ku sugan gobollada dalka Soomaaliya.

 

Tartankan ayaa waxaa tebinaya TV-yo iyo Idaacado Soomaaliyeed, iyadoo fannaaniinta tartameysana ay u kala garsoorayaan shaqsiyaad caan ah iyo fannaaniin Soomaaliyeed oo qaarkood u soo joogay barnaamijkii heesaha hirgalay ee berisamaadkii loo qaban jiray fannaaniinta leh hibada faneed.

 

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan hibadeyda faneed tuso dhammaan dadka Soomaaliyeed” sidaas waxaa tiri Canab Cali Maxamed oo dibadda Stuudiyaha Tiyaatarka Qaranka nagula hadashay, ”Heesaha waan sameyn karaa, ku heesi karaa, sidoo kalena meteli karaaa, laakin haddi wixii ka horreeyay ma jirin meel aan ku soo bandhigno hibadeenna”ayay hadalkeeda ku sii dartay Canab.

 


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur ”Tartan” ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan kaliya ahayn magaalo ganacsi, hayeeshee ay tahay magaalo dhaqan iyo muusik ama fan leh, “Hadda waan soo kabsaneynaa sidii aan u billownay in aan waqti gelinno dhaqanka iyo muusikada, halkii aan is-dili lahayn” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tartan”.

 

Tan iyo markii la billaabay tartankan kummanaan dhalinyaro ah iyo weliba dad waa weyn ayaa u soo dirayay guddiga soo xulista tartamayaasha muuqaallo yar yar, si ay fursad ugu helaan in ay tartamaan. Agaasimaha guud ee Tiyaatarka Qaranka oo maareeyay barnaamijkan ayaa sheegay in dadka istijaabiyay ay badnaayeen, hayeeshee uu doorka dhalinyarada suugaanta soo bandhigtay ay ahaayeen kuwo la soo bannaanbaxay hibo faneed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay adkaaneyso si sahal ah lagu kala saaro.

 


Dhalinyaro badan oo tartankan ka qeybgalay ayay u ahayd markii ugu horreysay oo ay arkaan Studio iyo Tiyaatar heeso looga qabto. Yahye Maxamed Diini oo gabayo uga qeybgalay tartanka ayaa yiri “Waa markii iigu horreysay oo aan arko masrax tiyaatar oo ay daawadayaal joogaan. Waxay ii ahayd waayo-aragno, waana wax weyn in aan dareenkeyga la wadaago dhammaanba Soomaalida meel kasta oo ay joogaan”ayuu yiri Yaxye Maxamed Diini.

 

Daawadayaasha iyo Guddiga Garsoorka ee goob-joogga u ah tartanka ayaa waxay fannaaniinta ku kala xulayaan heesaha fannaanka iyo sida ay isu waafajiyaan heesta iyo dareenka ay ka turjumeyso, “Waan ogeyn in aan arki doonno fannaaniin da’ yar laakin waxaan aad ula yaabnay hibada dadkan dhalinyarada ah ee fanka ku soo biiraya, gaar ahaan gabar 18 sano jir ah oo tirisay gabay ku saabsan burburka waddankeena ku dhacay, kaasi ilmo ku soo joojiyay indhaha dadkii daawanayay ee ku jiray gudaha Studiyaha Tiyaatarka.

 


20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa gudaha Soomaaliya ku geeriyooday 500 fannaan, kuwaasi oo isugu jiray kuwo la dilay iyo kuwo si caadi ah u dhintay, kuwii ka badbaaday dagaallada sokeeye-na waxay ku kala baaheen caalamka. Tiro kale oo fannaaniintii caanka ahaa ka mid ahna waxay ku nool yihiin qurbaha, gaar ahaan waddamada reer galbeedka. Nasiib darro celceliska da’da waxqabadka muusikiistayaasha iyo heesaaga Soomaaliyeed waxaa lagu sheegaa 56 sano, taasina wuxuu macnaheedu yahay in fannaaniintii hore ay sii noqonayaan howlgab, iyadoo aanu muuqan jiil kale oo la diyaariyay oo kaalinkooda buuxinaya. Barnaamijkan Hirgeli Hammigaaga Faneed ayaa looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo fankii Soomaaliyeed, isla markaana lagu muujiyo in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin dhaqan ay tahay in loo gudbiyo jiilka dambe.








Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]