4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulammo la yeeshay saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xarunta taliska booliska Soomaaliyeed, saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliyeed isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, abaanduulayaasha ciidamada dowladda iyo taliyeyaasha qaybaha iyo saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir.

“Waxaan idin kaga mahad-celinayaa dib u soo celinta amniga caasimadda oo maanta aan oran karo waa markay ugu amniga wanaagsanayd magaaladan Xamar tan iyo burburkii dalka,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaruhu isagoo intaas ku daray inuu ka war-hayo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan booliiska Soomaaliya.

Mudane Saacid ayaa dhanka kale faray saraakiisha in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga haweenka, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri:

“Gabar Soomaaliyeed ayaa la kufsaday ninkii kufsadayna lama hayo, waa wax laga fiican yahay, qof baa la dilay, gacan ku dhiiglihiina lama hayo micnaheedu waa sharci ma jiro. Waxaan idin farayaa in dambiilayaasha la qabto mudnaantoodana la ma mariyo.”

Ra’iisal wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliiska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa si noloshu caadi ugu soo noqoto.

“Waa in qofku amni ku helo gurigiisa iyo beertiisa kalsoonina ku noolaado,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. wuxuuna intaasi sii raaciyay. “Si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin.”

Ugu dambeyn, ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa salaan ka qaatay kooxda banbeyda ciidanka booliiska, isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay taliska booliiska Soomaaliyeed.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya