4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah oo Axmed C/salaan ku soo dhaweeyay Nairobi (SAWIRRO)
ABDIS5.jpg

Talaado, February 26, 2013 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenkii, ahaana wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Axmed C/salaam Xaaji Aadan ayaa soo gaaray magaalada Nairobi, kadib markii uu ka soo kabtay dhaawac kasoo gaaray qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagula beegsaday magaalada Dhuusamareeb 1-dii bishii May 2012.

Waxaana qaraxaas oo uu fuliyay qof naftii hure ah ku geeriyooday labo xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Muddo dheer oo lagu daawaynayay isbitaal ku yaalla magaalada Washington DC, kadib ayuu Axmed C/salaan soo gaaray magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen siyaasiyiin ay kamid yihiin Wasiirkii hore ee warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow),Dr. C/raxmaan Macallin Baadiyow, Xildhibaan Xuseen Warsame, Xildhibaan Faarax Cawad, Xildhibaan Cabdi Caziiz Lafta gareen, Yuusuf Garaad Cumar iyo la taliyaha Ra’iisul wasaaraha ee arimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha Cali Cabdi Wardheere.

ABDIS4.jpg

Waxaana uu Axmed C/salaan sheegay inuu caafimaadkiisu wanaagsanyahay uuna sii wadan doono hawlihii uu dalka ka waday.

“Waxaan ka shaqaynanay nabadaynta iyo isu keenida bulshada Soomaaliyeed, waana sii wadi doonaa” ayuu yiri.

Waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay horumarrada siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay intii uu xanuunsanaa.

Inkastoo uu marar kale saxaafadda la hadlay intii uu dhaawacu gaaray, waa markii ugu horreysay oo uu warbaahinta kasoo muuqdo tan iyo markii uu badbaaday isku daygii la doonayay in lagu dilo.

ABDIS3.jpg
ABDIS2.jpg
ABDIS.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya